WASIIR XOOSH OO GEERIYOODAY

0
167

Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa la shaaciyay inuu ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiir Xoosh ayaa ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxayna wararku sheegayaan inuu halkaasi u joogay arrimo caafimaad isagoo ka xanuunsanaa Kelliyaha, waxaana geeridiisa xaqiijisay ehelkiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka mid ahaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa Wasiirkii Dastuurka, wuxuu ahaaa Abuukaate wax ku soo bartay dalka Canada, wuxuuna qeyb ku lahaa Dastuurka KMG ah, isagoo xilligii KMG-ka intii u dhaxeysay 2011- 2012-kii ahaa Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here