SIYAASYIINTA ku xiran Farmaajo oo weerar cusub ku bilaabay Imaaraadka Carabta, Yaa ka hadal siiyay Ambassadorka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Dagaal cusub

0
316

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bilaabay labo maalin kadib markii uu Dooxa ka soo laabtay dagaal ka dhan ah Imaaraadka Carabta, isagoo bartimaameedsaday Siyaasadda Imaaraadka Carabta, waxaana hadda diblomaasiyiinta Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub aad ugu xiran Farmaajo weerar afka ah ku qaadan Dowladda Imaaraadka Carabta.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Amb. Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya ku heyso dhibaato dhaqaale iyo mid siyaasadeed, xilli dowladda Soomaaliya ay wajaheyso xiisado diblomasiyadeed oo dibadda ah.

Amb. Cali Saciid Fiqi oo ka qeyb galayay barnaamijka Faaqiadada oo ah barnaamij dood ah oo ka baxa Idaacadda VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay badbaadada Qaranka, gaar ahaan sida ay u maareyso arrimaha dibadda.

“qof kasta waa garan karaa Dhib kasta oo dhaqaale iyo siyaasad ay ku heyso Imaaraadka Carabta dowladda Soomaaliya, marka ay timaado siyaasadda arrimaha dibadda waxaa la hormariyay danta guud qaranka”ayuu yiri Amb. Cali Fiqi.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi ku yimid, wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya ay garoonka Muqdisho ku qabatay sanadkii hore lacag mallaayiin dollar ah oo siday diyaarad laga lahaa Imaaraadka carabta.

Sidoo kale waxaa uu ammaanay mowqifka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee ku aadan dadaalada arrimaha dibadda ay dowladdu sameyso, taasoo uu ku tilmaamay inay ahaayeen badbaadada qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay la kulmeyso mowjado siyaasadeed oo dibadda ah, iyadoo la xusuusto saameyntii ka dhalatay qalalaasihii siyaasadeed ee Khaliijka, waxaana haatan soo if baxay xiisad siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here