SAWIRADA Dadkii laga soo badbaadiyay Gurigii Shabaabka ilaa iyo xalay ku dhex dagaalamayan

0
203

Ciidamada amaanka waxaa u suura gashay inay gudaha u galaan mid kamid ah dhismayaasha uu saameeyay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada ay gudaha u galeen guriga reer SHideeye oo xalay la sheegay inay Al Shabaab gudaha u galeen kadib markii ay ku qaldeen goobta ay doonayeen inay weeraraan.

Waxaa la arkay ciidamada amaanka oo dad waayeelo ah kasoo badbaadinaya guriga Reer SHideeye oo caan ka ah deegaanka, maadaama ay muddo badan deganaayeen.

Gudaha guriga ay degenaayeen qoysaskan ayaa waxaa ka muuqday burbur xoogan oo ka dhashay rasaas xoog leh oo la isweydaarsaday, waxaana ku dhaawacmay 3 ka mid ah qoyska halka ilmo yarna uu ku dhintay sida ay sheegeen xubno ka tirsan dadka la soo badbaadiyey.
Labo Qarax oo loo malaynayo Bamka gacanta laga tuuro ayaa guriga dhexdiisa laga maqlay ka hor inta aysan ciidamada amaanka gudaha u galin, waxaana waxyeelo ay kasoo gaartay dad ku sugnaa gudaha Guriga.

Ciidamada amniga ayaa sheegay iney dileen inta badan dableydii weerarka soo qaaday balse uu jiro mid ka mid ah dableyda oo la sheegay in isagoo dhaawac ah soo ridaya rasaas iyo bambooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here