SHIRKADDA IIBINAYSA Shidaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay sheegashada Kenya. (Qoraalka Engelish ku qoran)

0
304

Spectrum waxa ay sheegtay in intii uu socday shirka London aan marnaba la xaraashin xirmooyinka la sahmiyey ee shidaalka Soomaaliya.

Spectrum ayaa dhinaca kale sheegtay in dhul-badeedka sahminta shidaal lagu sameeyey xogtiisana lagu soo bandhigay London uu yahay dhul ay si buuxda u leedahay Soomaaliya, islamarkaana aanu ku jirin dhul-badeedka lagu muransan yahay ee kiiskiisa uu yaallo maxkamadda caddaaladda ee ICJ ee magaalada Hague.
Qoraalka shirkadda Spectrum, oo uu ku saxiixnaa madaxweyne ku xigeenka fulinta ee shirkaddaas ee gobollada Africa, Meditareeniyaanka iyo Bariga Dhexe Graham Mayhew ayaa waxaa la socday qariirad muujineysa dhulka xogtiisa lasoo bandhigay, waxaana ka muquan dhul-badeedka Kenya ay ku haysato Soomaaliya ee maxkamadda ICJ ay go’aanka ka gaari doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here