DAAWO MUUQAALKA Kenyanka oo bilaabay inay soomaaliya ku cabsi geliyaan waxaan aqoonsan doona Somaliland ama Badda isaga hara

0
550

Kenyanka waxay bilaabeen inay soomaaliya ku cabsi geliyaan waxaan aqoonsan doona Somaliland haddii Soomaaliya ka harin sheegashada Badda labada dal isku haystaan ee dawcada arrintaas taala Maxkamadda adduunka ee dalka Nederland.

Hogaamiyaha Xisbiga Xulufada lagu magacaabo Thirdway Alliance Party Mudane Dr. Ekuru Aukot oo ku hanjabay in Dowlada Kenya aqoonsan doonto dalka goonida isku taagay ee Somaliland. Dr Ukuru oo ka hadlayaay muranka ka taagan Xuduuda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ku abaal dhacday shacabka Kenya oo sodomeeyo sano taageerayay shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu yiri “Somaliand ayaa in mudo ah na tuugeysay in aan aqoonsano waana aan ka gaabsanay aqoonsigooda anaga oo qadarinayna xiriirka labada dal ee Soomaaliya yo Kenya laakiin hadda waxaan ku qasbanahay in aan dib u eegno xiriirkaas”. Waxa uu intaas ku daray “Dowaalada Soomaaliya waxa ay nagu qasbeysaa in aan qaadano talaabooyin ciriiri galin kara nolosha qofka Soomaaliga”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here