XASAN CALI KHEYRE Horey ayuu Kenya ugala shaqeeyay sidii loo iibin lahaa Xermooyinka (Blocks) ay Nagu Haysato , Ujeedada Kheyre PM loogu dhigay (SIR IYO WARBIXIN)

0
209

NEWSOMALI .COM ayaa waxay dabagashay maxaa dhariga Kenya karka kaeenay waxayna ka diyaarisay qormadaan gaaban.

Dalka Kenya waxay soo jeedisay seddex qodob oo wada khiyaana ah si loo dib loogu heshiiyo waxaana dowladda Somaliya uga digeynaa inaysan ku kadsoomin khiyanooyinkan. NEWSOMALI  waxay la kaashatay khubaro aqoon sharciyeed u leh murrannada ceynkaan ah oo kala jooga caalamka waxaana loo sheegay sida hoos ku qoran:

Shuruudaha oo sedax ah ayaa midda koowaad waxaa ay ku saabsantahay: in Soomaaliya ay si deg-deg ah uga laabato Khariiradii ay ku soo bandhigtay magaaladda London, taasi oo Kenya ay aaminsantahay in uu ku jiro dhul ay leedahay. Taas macanaheedu waxaa uu yahay in Kenya ay Somaliya la leedahay dhulka ay rabto inay qaadato . Haddii erayga muran la ogolaado waxa halkaas ka ratibmaya in laga wada hadlo tan oo dhaawici doonta dacwadda badda lana oran doono mar haddii aad ka wadahadleysaan dhulkaan dacwaddiina waad la noqoteen.

Shuruudda labaad ayaa Kenya waxay ku dalbatay :in Soomaaliya ay ogeeysiiso “kuwii London ku iibsaday xirmooyinka gas-ka iyo saliidda ah” in aysan iyada lahayn. Tanna waa gef kale oo ah in dhul aan leenahay aynu niraahno annaga ma lihin tanna waxay mar kale si cad u dureysa dooodeenna iyo dacwaddeenna ah in Kenya soo faragelineyso dhulkeenna rabtana inay qeyb muhiim ah ka qaadato.

Shuruudda Sedexaad-na, Kenya waxay ku dooneeysaa in muranka Badda ee u dhexeeya Labadda Dowladood lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda. Tan horay ayey u suuragaliweysay ayey dacwadeennu ku dhisantahay mana aha waxa hadda macna badan sameynaya waayo waxaa laga soo gudbay heerkaas oo dacwadda hadda waxay joogtaa waqtigii go’aan ay maxakamadda caalimga ah ka qadan lahayd.
Laakiin maxaa kaa maqrsoon oo dhacay?
Dalka Kenya waxay xermooyinkan (blocks) ay Somaliya xaraashatay oo kala ah L21,23,24 +25, horay uga iibisay shirkadda ENI oo ah shirkad Talyani ah, waxayna dalka Kenya ku haysataa lacagtii malaayiinta ahayd oo ay ku iibsay xermooyinkaan inay u celiso haddii kale iyadoo kaashaneysa dowladeeda inay Kenya dacweyn doonto.

Sidoo kale Kenya waxay horay xermooyinkaa qeyb ka mid ah uga iibsatay shirkada STATIOL oo ah shirkad laga leeyahay dalka Norway. Shirakaddaan waxay ka mid tahay shirkadihii Xasan Cali kheyre keeny in laga dhigo PM si arrimahan hoos loogu dhaqo, lagana noqdo dacwadda maxkamadda. Xusuuso RW Kheyre todobaad ka hor waxaa uu tagay Kenya waxaana loo soo sheegay in arrintaan ay keeni doonto in xumaado xiriirka Somaliya iyo Kenya wuxuusa Kenya u soo ballanqaaday inaan waxba la iibin doononin oo y tahay warbixin la soo bandhigayo.

Kenya hadda waxaa ku dheggan ENI iyo STATOIL oo ka raba inay u celiso malaayiin dollar haddii kale ay dacweyn doonaan iyagoo kaashanaya awoodaha dowladahooda, taasina ay Kenya khater diplomasiyadeed, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba kala kulmi doonta waana sababta ay Somaiya ugu eedeneyso wax ay iyada horay u sameysay oo an inay iibisay xermooyinkaan. Kenya waa inay Somaliya gacanta ka maroojisaa si ay uga noqoto xaraashka dhul badeed mar hore la xaraashtay.

Sidaas darted dawladda JFS ha ogaato xilka saaran iyo sida ay u maamuleyso hawshaan oo ka weyn in siyaasad laga dhex raadiyo iyo igu sawirtii aan ku naqaannay kooxda NN ee ay tahay masiir iyo dhaxalwareejin qeyb dalka ka mid ah.

Sidoo kale waxaan mucaarid ka uga digeynaa inaysan dowllada ku khilaafaan arrintaan haddii ay go’aamo “sax ah” ka qaadato. Waa dhab in dowladdu ay been u sheegtay shacbiga iyadoo xaraashtay shidaalka dalka mucaaridkana waa kula xisaabtami karaan balsa qaddiyadda badda waa ka wey tahay mucaarid iyo muxaafid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here