Cabdirisaaq Xuseen Caato Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaaliya oo suuq madow ka furay Villa Soomaaliya, Shirkadaha uu lugaha kula jira iyo amarada uu bixinayo isagoo adeegsanaya Magaca Farmaajo

0
556

Cabdirisaaq Xuseen Caato Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa bilaabay in jagada uu haayo iyo adeerkiisa oo Farmaajo ah uga faa’ideysto inuu dhaqaale ka sameeyo Xafiiska isagoo qaadanaya qandaraasyo ay bixinayso Dowladda iyo qaar Madaxtooyada ku lug leh.

Caato oo saaxiibo dhinaca qanadaraasyada ah Xasan Farmaajo ayaa waxay haatan ku howlan yihiin sidii saami ugu yeelan lahaayan shirkadda Mareykan ah oo sameyn doonto Pasapoorada Soomaaliya, sidoo kale waxay share ku leeyihiin shirkadda raashinka iyo sahayda siisa Ciidamada Dowladda.

Intaas ka sokow Cabdirisaaq Xuseen Caatowaxaa uu bilaabay in la kulanka Farmaajo dadka maalqabeynka ah ka sameeyo lacag, adigoo bixin wax lacag ah waa adag tahay inaad Farmaajo aragtid.

Sidoo kale Cabdirisaaq Xuseen Caato ayaa gacanta ku dhigay qeybta Maaliyadda Madaxtooyada waxaana bil walba qarashaadka la bixiyo la dul saara lacag xad dhaaf ah.

Labo ka mid ah safaaradaha ajanabiga ee Muqdisho ku yaala iyo mid kale oo Nairobi ku taala ayaa lagu arkay warqado uu qoray Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Cabdirisaaq Xuseen Caato kuwaas oo lagu dalbanaya Fiisooyin laga iibiyay dad aan dowladda u shaqeynin waana ganacsi madow ah.

Waraaqo uu qoray Caato oo ganacsato canshuur dhaaaf loogu dalbaya Dekedda Muqdisho ayaa ku arkay Xafiiska Maareeyaha Dekedda Muqdisho waxaana la ii sheegay in uu jiro heshiis Caato iyo Ganacsatadaas ah.

Si kastaba Cabdirisaaq Xuseen Caato oo adeer u ah Farmaajo ayaa ka awood badan agaasimaha Madaxtooyada , qeybaha kale ee Madaxtooyada waana ninka ugu awooda badan Villa Soomaaliya marka laga soo tago Fahad Yaasiin oo haatan lagu bilaabay dagaal baalasha looga rifayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here