Wasiirka Ba’ada Iyo Duurjoogta koonfur Galbeed oo is casilay, Lafta Gareen oo cadaadis saaran

0
264

Maamul Goboleedka Koonfurgalbeed ayaa waxaa soo wajahaya mucaarado uga imaanaya beelaha degaanka kuwaas oo qaarkood ka biya diidsan xilalka Wasiirada loo magacabay halka qaar kale iyagana ka biya diidsan yihiin hoggaanka Maamulka, waxaana haatan muuqda in Maamulkan sii tabar dhacaya.

Xalay waxaa is casilay mid ka mid ah Wasiir kuxigeenada shalay magacabay Lafta Gareen halka maanta sidoo kale is casilay wasiirka Ba’ada Iyo Duurjoogta koonfur Galbeed kadib markii uu sheegay in beesha u qalmin jagadan loo magacabay, Wasiirkan waxaa uu ka soo jeeda Beesha Gelada.

Golaha Wasiirada Lafta Gareen magacabay ayaa dhamaantood ah ama u badan dhalinyaro siyaasadda waaya aragnimo u lahayn qaarkoodna aqoonba uma laha wasaaradaha loo magacabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here