AQRISO:Madaxweyne Deni oo amray in la joojiyo lacagihii la siin Jiray Hay’adaha madaxa-banaan ee Dowladda

0
140
????????????????????????????????????

Madaxweynaha ayaa wareegto uu soo saaray bijstaan Feberaayo labadeedii waxa uu ku joojiyay isticmaalka lacagaha curaaraha iyo khidmadaha ee la siin jiray Hay’adaha dowladda ee madaxa banaan iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee adeegyada u qabto dowladda.

” Waxaa la farayaa madaxda ay warqad ay warqadani sida tooska ah ugu socoto in curaaraha loo qabto hay’adaha dowladda ee madaxa banaan, shirkadaha gaarka loo leeyahay, shirkadaha dakhliga dowladda khidmadda laga siiyo, curaaraha dowladu maamusho IWM, dhammaantood loo isticmaalo bixinta musharaadka iyo Hawl-sicidsiinta dowladda” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Siciid deni.

Hay’adaha dowladda ee sida tooska ah ay u saamaynta doonto go’aanka madaxweynaha waxaa ka mid ah hay’adda biyaha iyo tamarta ee PSAWEN, hay’adda wadooyinka ee PHA iyo mashruuca dhismaha wadada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo. Waxaa kaloo wareegtadani ay saamayn doontaa shirkado gaar loo leeyahay oo adeegyo u qaban jiray dowladda Puntland.

Wareegtada madaxweynaha ayaa dhaqan-gal noqonaysa inta ka horaysa ku noqoshada miisaaniyadda xukuumada oo la filayo in barlamaanku ka doodo bisha soo socota ee Maarso 2019ka. lamana garanayo sida hay’adaha dowladda qaarkood u bixin doonaan musharahaadka iyo kharashaadka howlihii ay u qaban jireen shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here