MUUQAALADA Banaanbaxyada lagu diidan yahay xaraashka shidaalka, Siyaasadda Farmaajo iyo Kheyre oo qabsaday Magaalada London

0
181

Magaalada London waxaa ka socda banaanbaxyo lagu diidan yahay qorshaha Dowladda Soomaaliya ku xaraashayso shidaalka iyo kheyraadka dalka in kastoo ajanadihii hore ee shirka London maanta furmay ee ahaa iibinta shidaalka la bedelay lagana dhigay soo bandhigtay macluumaad si dadka loo marin habaabiyo hadana marna taasi ma hor joogsanin banaanbaxyada ka socda London.

Waa markii ugu horeysay banaanbax intan la eg Dowladda Farmaajo Ra;iisal wasaarahana ka yahay Kheyre caqabado intan la ek kala kulanto Shacabka Soomaaliyed marka laga reebo dhiibistii Qalbi dhagax oo dalka meel xasaasi ah gaaray.

Shirkadda Shidaalka Sama Oil Gas oo markii hore u shaqeyn jiray Mr Kheyre PM ka Soomaaliya haatan la aaminsan yahay inuu Share ku leeyahay ayaa ku lug arrimaha shidaalka Soomaaliya.

Dadka banaanbaxayay ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin DALKA IIB MA AHA, KHEYRE IYO FARMAAJO HA DHACAAN, DHIIG MA DOONAYNO, SHIDAALKEENA IIB MA AHA IYO ERIYO KALE.

Xalay ilaa iyo maalintii shalay Xafiiska Kheyre iyo Villa Soomaalia dadaal uma yareyn waxayna ku mashquulsanaayan in la joojiyo banaanbaxyadan, waxayna dhaqaale ku iibsadan qaar ka mida h dadkii awal banaanbaxyadan wax ka abaabulayay hase yeeshe taasi meesha kama saarin in dadka reer London isku soo baxaan.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad Baarlamaanka Soomaaliya oo hadda dadka u arkaan inuu yahay magaca u yeel keliya ayaa goobta shirka ka socda ka hadlay isagoo loo turjumayay maadama luuqada engelishka aan isku wanaagsanayn Mr Muudey waxaa uuna taageero u muujiyay Xukuumadda iyo shira.

HADABA MUUQAALO KALA DUWAN AYAA HALKAN HOOSE IDINKU SOO GUDBINAYNAA.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here