FARMAAJO oo is celin waayay kana hadlay shirka London soona hadal qaaday Xasan Sheekh Maxamud

0
364

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeyay ka hadlay Shirka Suuq-geynta Shidaalka Soomaaliya ee ka furmay Magaalada London.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka Garsoorka Soomaaliya ee maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Shirka London uu yahay Bandhig Carweed dowladda Soomaaliya ay kusoo bandhigeyso qorshaha Shidaalka Soomaaliya.

Wuxuu caddeeyay in shirkaan uu yahay xog urruurin ay sameysay dowladdii horee ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo heshiis ay gashay oo lagu soo bandhigayo daraasadda shidaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday in loo baahan yahay in dalka Shidaal looga saaro muddo 10 sano Gudahood ah si looga baxo faqriga.

Maamulka Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inay ajando qarsoon wadaan gaar ahana iibinta shidaalka halka ay wararka dadka u sheegayan iyo waxaa socda ay aad u kala duwan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here