Caddeyn: Xaqiiqda shirka London oo ka duwan wixii ay DF Somalia sheegtay

0
368

Shirka shidaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada London, waxaana muuqata in shirkaas lagu iibinayo xirmooyin ka mid ah kuwa shidaalka ee Soomaaliya.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in la xaraashayo xirmooyin shidaal, islamarkaana shirka uu yahay kaliya mid lagu soo bandhigayo macluumaadka shidaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya waxay sheegtay in ujeedada shirka uu yahay kaliya inay uUmmadda Soomaaliyeed ugu faa’ideyso si sax ah kheyraadka Ilaahay ku manneystay.

Si kastaba, qoraal laga arki karo shaashadda laga hagayo shirka, oo ay soo bandhigtay shirkadda shirka maamuleysa ee Spectrum, ayaa waxaa ku cad in shirka lagu yaboohay laguna iibinayo xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.
Qoraalkan ayaa waxaa cinwaankiisa yahay “Tirada xirmooyinka lagu yaboohay wareegga koowaad ee London.” Caadiyan, yabooha ayaa waxaa xiga in shirkadaha daneynaya inay soo bandhigaan qiimaha ay ku iibsanayaan kadibna laga gado shirkadda ugu lacagta badan.

Hoos ka arag sawir laga soo qaaday hoolka shirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here