Xasan Sheekh oo hoygiisa ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

0
140

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gurigiisa magaalada Beledweyne ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska Beesha Xawaadle.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynihii Xasan Sheekh iyo Ugaas Xasan ayaa ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya, xurguftii ka dhalatay dhismihii Maamulka Hirshabeelle iyo arrimo kale oo deegaanka ah.

“Maanta waxaan gurigiisa ku soo booqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Ugaaska waxaan ka wada hadalnay danaha Soomaaliya guud ahaan iyo tan deegaanka gaar ahaan, Waxaan ka mahadcelinayaa soo dhaweynta iyo qaddarinta aan kala kulmay Ugaaska, maamulka iyo guud ahaan dadweynaha reer Beledweyne, Guul Hiiraan, guul Hirshabeelle”ayuu yiri Xasan Sheekh qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Ugaaska Beesha Xawaadle Xasan Ugaas Khaliif ayaa ka mid ahaa oday dhaqameedyadii sida weyn uga soo horjeeday dhismaha Maamulka Hirshabeelle, iyadoo lagu xusuusto eedeymaha uu hawada u marin Maamulkii Xasan Sheekh hoggaaminayay.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa mucaarado xooggan kala kulmay reer abtiyeyaashiisa markii la dhisayay Maamulka Hirshabeelle, waxaana dhowr jeer oo uu tagay Beledweyne is afgarad waa ku dhamaaday kulamo uu la lahaa dhaqanka Gobolka Hiiraan oo looga hadlayay arrimaha maamul dhisida labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu dadaal ugu jiro sidii cid walba oo wax ka tabanayay intii uu xilka hayay inuu ka qanciyo, kana raalli geliyo wax alla wixii laga tabanayay maamulkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here