Dalaalka Xasan Kheyre u metelaya shirka London aqoon ma u leedahay,Sidoo kale Magacyada Wakiilada Maamul Goboleedyada

0
296

Waxaa soo baxaya shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya iibinta ama xaraashka Shidaalka Soomaaliya ee shirka London oo saacado keliya naga xigta furitaanka shirkaas.
Wafdigaa quburada shidaalka iibinaya waxaa hogaaminaya nin lagu magacaabo Cabdi Siad (Cabdi Dheere) oo bartay Macdanta. Cabdi Dhere ayaa waxa laga soo kaxeeyay dalka South Africa oo uu ku noolaa. Cabdi Dhere waxa ay ilma adeer yihiin Xassan Cali Kheyre oo ay ka soo wadajeedaan hal qoys.

Cabdi Dhere ayaa ah dalaalka runta ah ee Xassan Cali Kheyre ku matalaya shirka lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya,Inkastoo wasiirku goobjoog yahay hadana waxaa mas’uuliyada iibinta iyo maamulka go’aanada shirka u xilsaaran Cabdi Dhere oo si toos ah qadka taleefanka ugula hadli doono Ra’iisal Wasaare Kheyre inta uu shirku socdo.

Sidoo kale Cabdi Dhere ayaa waxaa uu hadda ku shaqeeystaa jago loogu magacdaray lataliyaha sare ee Wasaraada Bartoolkaoo mushaar fiican uu ku qaato. Inta uu ku noolaa magaalada Muqadishu waxa uu degaanaa Hotelka lagu magacaabo Peace 1 oo qarashkiisa uu bixinayay Ra’iisal Wasaare Kheyre.
Dhanka kale Cabdi Dhere ayaa mushaar guno lagu sheegay ka qaato shirkadda SOMA OIL. Hshiiska uu la saxiixday shirkada ayaa waxa lagu qoray in uu kala talinayo shirkada arimaha baaritanka shidaalka ee Soomaaliya.

Magacyada seddexda qof ee matalaya dowlad goboleedyada kuwaaoo oo kala ah
1. Burhaan Diyo Miyo
2. Cabdi Cali Raage
3. Eng. Tubaako.

Seddex qof ayaa sheeganaya in aay wakiillo ka yihiin kuna saxiixi doonaan waxa ka soo baxa xaraashka magaca dowlad goboleedyada aay wakiilka ka yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here