ABAABULAYAASHA Banaanbaxii London oo la kala jabiyay qaar durba lacago jeebka loogu shubay, Intii Wadaniyad ku jirtay oo ku soo haray abaabulka, Kheyre oo lacag ku bixiyay

0
311

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Villa Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay kala jabiyan dadkii abaabulayay banaanbaxa maalinta beri lagu waday inuu ka dhaco hotelka lagu qabanayo shirka la sheegay in lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya oo ku yaala Magaalada London.
Xaraashka Batroolka Soomaaliya ayaa saacadihii ugu dambeeyay gilgilay siyaasadda Soomaaliya.

Xukuumada uu hogaamiye Xassan Cali Kheyre ayaan marnaba filaynin in shacuurta dadka Soomaaliyeed ay gaari karto heerka ay caawa gaartay.

Isaga oo ka baqaayo in banaanbaxa berito keeno in shirkadaha la doonayo in laga iibiyo shidaalka Soomaaliya ay isaga baxaan balantii horay loola galaya, ayaa waxa uu bilaabay in uu caawa ku amro qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee London bixinta lagu lagu kala jabiyay dadkii banaanbaxaas abaabulayay.

Caawa ayaa waxa la arkaayay in qaar ka mida dadkii wax ka taageerayay banaanbaxa horayna loogu yiqiinay iibinta qadiyadda Soomaaliya oo bilaabay in ay isku dayaan in ay dareen galiyaan kumanaanka kun ee wadiniyiinta ee berito ka qayb galayo Mudaharaadka.

Lacag fara badan ayaa la geliyay sidii loo kala jabin lahaa dadka, durba qaar ka mid ah dadkii maalmahan baraha bulshada iyo Idaacadaha ka hadlayay ayaa la arkay mowqifkii hore mid ka duwan iyagoo shaacinaya.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Mahdi ayaa isagana waxa uu qadka taleefanka kula hadlay dad ay isku beel yihiin isaga oo ka codsaday beeshiisa in ayan tagin Mudaharaadka.

Wararka ayaa sheegaya in lacag la siiyay qaar ka mid ah abaabulayaasha banaanbaxaas halka qaar kale arrimo qabiil oo adeegsaday, hase yeeshe waxaa jira dad kale oo diiday inay lacagta qaatan kuwaas oo weli ku rajo weyn in banaanbaxa uu dhici doona.
Dhinaca kale ajandihii shirka ayaa guud ahaan la bedelay si dadka soomaaliyed loo qaldo, mar kasta Kheyre iyo kooxdiisa waxaa ka go’an iibinta shidaalka iyagoo lacago u gaar ah ku helaya dalaalnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here