XASAN SHEEKH MAXAMUD oo ku sii jeeda Magaalo Taariikh ku leh Noloshiisa, kadibana Jowahr

0
261

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa maanta ku wajahan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoo magaalada laga dareemayo qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.

Wafdiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Xisbigiisa, waxaa socdaalkiisa Beledweyne uga sii gudbi doonaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee dhisma, intii uu talada dalka hayay.

Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu dhowr cisho ku sugnaado magaalada Beledweyne, waxaa uu la kulmi doonaa Odayaasha dhaqanka, gaar ahaan Ugaaska Beesha Xawaadle Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa oday dhaqameedyadii sida weyn uga soo horjeeday dhismaha Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa lagu xusuustaa xilligii uu talada hayay inuu dhowr jeer tagay magaalada Beledweyne, iyadoo aheyd magaaladii labaad ee uu booqday markii xilka loo doortay sanadkii 2012.

Hase ahaatee dhismihii Maamulka Hirshabeelle ayuu kala kulmay mucaarado xoog leh oo uga imaanaya Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo diidanaa qaabka loo waday dhismaha Maamulka labada Gobol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here