WAR MASIIBA DHACDAY:Gabadh 2-bilood jir ah oo Muqdisho lagu Gowracay (DAAWO SAWIRADA)

0
172

Dhacdo xanuun badan ayaa ka dhacday degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ka dib markii Gabadh 2 bilood jirta lagu gowracay Xaafadda Gubta maalintii shalay aheyd sidda ay xaqiijiyeen Eheladda Gabadha yar ee la garowcay.

Sidda ay WARBAAHINTA xaqiijiyeen dadka degaanka falkaan Naxdinta badan ayaa yimid kadib markii nin watay toorey uu galay guriga reerka, kadibna uu gowracay Idman Cabdullaahi oo dhalnayd laba bilood oo kaliya.
Hooyo Asma Maxamed Cabdi oo dhashay gabadh yar ee la gowracay ayaa la sheegay in ay Muddo la dagaashay ninka balse uu ugu dambeyntii ka awood badan kuna guuleystay in uu geysto falkaan,lamana Ogga in ninkaan Madaxa looga jiray iyo in kale.

Ciidanka Ammaanka dowladda ayaa tagay guriga ay ka dhacdadaan, kuma guuleysan in ay gacanta ku soo dhigaan ninkii geystay Falkaan Maadaama uu goobta ka baxsaday.

Ciidanka ayaa soo qaaday maydka gabadha yar & Hooyadii dhashay, waxayna geeyeen Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska, halkaasi oo kiiska dhacdadan lagu baarayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here