Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Beledweyne [Sawirro]

0
225

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Xildhibaan Xasan Sheekh oo guddoomiye u ah Xisbiga UPD ayaa safarkiisa magaalada Beledweyne la sheegay inuu ku saabsan yahay sidii uu kulamo ula yeelan lahaa waxgaradka iyo dadka magaalada, waxaana garoonkla Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyay dadweyne, siyaasiyiin iyo maamulka Gobolka Hiiraan.

Xilligii uu Xasan Sheekh madaxweynaha ka ahaa dowladda Soomaaliya ayaa xaalad adag ka qabsatay gobolka Hiiraan iyo magaalada Beledweyne, taasoo inteeda badan salka ku heysay dhismaha maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here