YAA DILAY Madaxii DP World ee Boosaaso?

0
234

Wararka laga helayo xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in nin hubeysan oo ku dilay saaka gudaha magaaladda Boosaaso, Sarkaal sare oo u shaqeynayay Shirkadda P&O ports, oo ay leedahay DP World.

Illo ku dhaw Booliska ayaa xaqiijiyay in Paul Anthony Fermosa oo madax u ahaa Shirkadda qeybta Dekedda Boosaaso uu ku dhintay rasaas uu ku furay nin hubeysan.

Paul Anthony Fermosa, ayaa ku geeriyoodey isla goobta, iyadoo sidoo kale rasaastii lagu dilay ay ku dhaawacmeen saddex askari oo illaalo u ahayd, sida ay sheegeen Saraakiil laamaha amniga Boosaaso.

Ninka la dilay ayaa wararku sheegayaan in uu haystay dhalashada Talyaaniga iyo Malta.

Lama sheegin cid ka dambeysay talaabadaan balse magalaada Boosaaso iyo gobolka Bari ee Puntland ayaa waxaa aad ugu xoogan kooxaha Al shabaab iyo Daacish kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey ku dagaalmayey buuraha Barri.

Shirkada DP ayaa maamulka Puntland horey ula gashay heshiis 30 sano ah, oo ay ku maamulayso Dekadda magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here