XILLIGII KGM AH Miyaa dalka lagu celiyay Beesha Caalamka oo Lacag Sooaaliya loogu talagalay ku wareejisay Hay’ad, Warbixin

0
446

Beesha caalamka ayaa u muuqato mid go’aansatay in ayan lacagta lagu fulinaya mashaariida horumarineed ku aaminin Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Markii ugu horeysay mudo dhowr sano ah ayaa beesha caalamka ee deeqaha siiya Soomaaliya waxa ay lacagha lagu maalgalinayo mashaariicda laga fulinayo guud ahaan dalka Soomaaliya ay ku wareejisay hay’adaha caalamiga ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya laakiin ka shaqeeya Soomaaliya.

Inkastoo horay maalgalin dhaqaale loo siin jiray hay’adaha u gaarka ah arimaha samafalka oo inteeda badan ku koobnaan jirtay arimaha bani’aanka sida quudinta dadka barakacayaasha ah, dadka aabaraha waxyeeleeyeen iyo qaxootiga ayaa hada waxa qandaraasyo lagu siiyay fulinta howlo badan oo ay u xilsaarnayd dowlada Fedaraalka Soomaaliya.
Mashaariicda la maalgaliyay oo ay hay’adahaas u madax baan yihiin fulinteeda ayaa waxaa ka mida, arimaha dib-u-heshiisiinta, maamul dhisida, tababarka shaqaalaha dowlada, arimaha amniga, kobcinta dowladnimada Soomaaliya, dhismaha iyo taageerida dowlad goboleedyadda, aruurinta canshuuraha iyo waxyaabo kale oo loo igmaday hay’adahaas in ay go’aan ka gaaraan meelmrinteeda.

Waxaa ay beesha caalamka ay ku bixinaysaa wajiga koowaad ee maalgalinta mashaariciidaan aduun gaaraya $104 Milyan oo ah lacagta Maraykanka. Hay’adaha lacagtaas la siiyay waxaa ka mid ah;

SSF, ADESO, CDI, FCA, Interpeace, ISIA, NRC, CW, Saferworld, Creative Associates, ACF, ARC, Sahan, IGAD, CARE, Diakonia, INTERSOS, IOM iyo qaar kale.

Dhamaan hay’adaha dhaqalaha la siiyay ee kor ku xusan iyo kuwa aan ku xusneynba dhamaantood waa hay’addo ajnabi ah. Hay’adahaan ayaa si ay uga howlgalaan dalka Soomaaliya waxa ay fulinta mashaariicda qandaraasyo ku siindoonaan hay’addo maxali ah.

Dhaqlaaha kor ku xusan waxaa ka baxsan lacagaha loo qorshaynayo in lagu bixiyo howlaha bani’aadminimada ee sandaka oo lagu qiyaasay in ka badan hal Bilyanoo ah lacagta mareykanka oo ay dhexdooda ka qaybsan doonaan.

Si aan waxa uga ogaano sabatatya keentay in shaqadii Wasaaradda Arimaha Gudaha lagu wareejo hay’addo ajnabi ah ayaa Newsomali waxa ay la xiriirtay Wasiirka Arimaha Gudaha ee dowlada Fedaraalka Eng. Cabdi Maxamed Sabriye. Wasiirka ayaa sheegay in arintaas uusan isaga ka jawaabi karin waxa uu yiri “waxa arintaas ka wareeysataan Ra’iisal Wasaare Kheyre isaga ayaa ka jawaabi karo su’aashaas, waxbana kala socda qaabka loola dhaqmo hay’adaha caalamiga ah”. Waxa uu intaas ku daray “wadankaan waa loo tashaday gaal iyo muslimba, ilaah ayaa u maqan Soomaali Maxamed”.

Mid ka mida madaxda hay’adaha lacagta la siiyay  ayaa sheegay in isbadal weyn ku yimid qaabka lacagaha lagu siiyo hay’adaha caalamiga ah ee ka howl-gala Soomaaliya.

Waxa uu yiri “dhowr sano ka hor shaqaalihii noo shaqeynayay waan kala dirnay lacag la’aan awgeed sanadkaan oo hadda bilaawday waxa aad nagu cuslaatay qaabka aan u maareynayno lacagaha faraha badan oo korkeena mar qura lagu soo daadiyay” waxaa uu intaa inoo raaciyay “ Kalsooni darada lagu qabo dowlada iyo musaqa baahan ee ka dhex jira ayaana keentay in lagu aamni waayo hal mashruuc lacagtiisii dowlada gaar ahaan Wasiiradda dowlada”.

Dowlada Farmaajo ayaa waxa sanadkaan mark kale qaaday koobka musaqa ee caalamka iyada oo noqotay dowlada ugu musuqa badan aduunka oo dhan.
Dhanka kale dagaalkii ay dowlada Federaalku ku qaaday beesha calaamka ayaa isagana waxa uu keenay in beesha caalamka kala noqoto taageeradii yarad ee ay siin jirtay Dowlada Farmaajo.

Diblomaasi ka tirsan safaradaha Ajnabiga ee ka howlgala Soomaaliya ayaa kulan ka dhacay xarunta xalane ka sheegay in Soomaaliya ay dib ugu noqotay xiligii ku meel-gaanimada maadaama aan lagu aamini karin dhaqaalaha maalgalinta Soomaaliya.

Waxa uu yiri “Wasiirada ka tirsan DF ee xafiiska nagu soo booqda waxa ay naweydiiyaan lacag lagu taageero wasaaradda uu hogaamiyo laakiin macnaheedu tahay in uu helo ama ay hesho lacag uu isagu jeebka ku shubto”.

Waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisii sii wata “ marka aad ka cudur daarato lacagtaas ama aad ku tiraahdo qoraal keena waxa markale ku waydiinayaa in aan ka bixino lacag uu ku aado safar uu uga qaybgalo shir ama Visa uu u rabo ehelkiisa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here