FADEEXAD:Qaabka loola dhaqmayo wafdiga Kheyre u dirsanayo London (Cadeyn)

0
1394

Qoraal ka soo baxay shirkada qaban qaabinaysa shirka london ee lagu xaraashayo kheyraadka Soomaaliya ee lagu magacaabo Spectrum Geo Inc, ayaa lagu sheegay in qarashka safarka iyo tikit-ka wafdiga dowlada Soomaaliya ee xaraashaya hantida qaranka ay bixinayso shirkada Spectrum Geo Inc.

Qoraalkaan ayaa loo qoray safaaradda Ingiriiska u fadhida Soomaaliya taas oo looga codsanayay in visaha dal kugalka ah lagu siiyo wafdiga dowladda.

Waxaa ka muuqata qoraalka shirkada soo qortay in wafdiga dowlada Soomaaliya loola dhaqmayo koox danleey ah oo iyaga isxaan loo sameeynayo.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in dshirkada qabto dhamaan lacagta ku baxayso safarka wafdiga ka socda dowladda.

Waxaa wax lala yaabo ah in dowladda Soomaliaya oo sheeganaysa in ay xaraasheeyso kheyraadka dalka ayan iska bixin karin tikitka diyaarada iyo lacagta ku baxayso hotelka aya jiifanayaan maalmaha ay ku sugan yihiin London

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here