WAR CUSUB FAHAD YAASIIN oo hor istaagay alaab u soo degtay Safaaradda UK ee Muqdisho

0
925

Wararka naga soo gaaraya  Garoonka Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegeya in Hay’adaha NISA ay qabsatey alaab diplomasiyadeed oo usoo dagtey Safaaradda Boqortooyadda Ingiriiska ee Muqdisho.

Xiriir aan la sameyney garoonka Aadan Cadde ayaa na loo xaqiijeyey in ciidamada NISA aay is hortaageen in alaabta oo aan la baarin aay u gudubto dhismaha safaaradda iyadoo uu amarka soo bixiyay T/X NISA Fahad Yasin. Diplomasiyiinta safaaradda Ingiriiska ayaa aad uga xumaadey falkan ay NISA u dhaqantey waxayna diideen in alaabtooda la baaro iyadoo aan ruqsad loo heysan.

Buuq iyo iska hor imaad ciidamada Ingiriiska ee Safaaradda iyo kuwa NISA ayaa ka taagan garoonka Qeybta vip-da iyo qeybta xamuulka ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Ciidamo NISA ka socda iyo Ciidamada ilaalada Safaaradda UK ayaa soo buux dhaafiyey agagaarka ay alaabtu taalo, Dowlada Ingiriiska ayaa ku doodeysa in alaabtooda oo ah xamuul Diplomasiyadeed lagu baari Karo oo keliya ruqsad sharci ah.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jirey Dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeyey Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlaha Ingiriiska oo si hoose u socdey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here