FARMAAJO Umadda-na daacad ayuu isaga dhigaa, hoos-na waxaa uu ka wadaa musuq maassuq iyo Garab siin Qaraabo iyo Saaxiibo, Yaa la siiyay Heshiiska daabacada Pasapoorada

0
354

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad daabacda baasaboorada iyadoo ka baxday heshiiskii hore sida ay sheegayan Maxamed C/llaahi Farmaajo walaalkiisa Xasan Farmaajo iyo Ganacsade Farmaajo ku taageeray xilligii Doorashada ayaa waxay dalka keenan shirkad kale taas oo ilaa iyo hadda waxba qaban.

Shirkadda lala galay heshiiska oo aan u diyaarsaneyn daabacaadda baasaboorka ayaa waxaa aay keentay in muddo ka badan laba bilood ee lasoo dhaafay inaan la daabicin wax baasaboor ah, waxaana kordhay tirada dadka dalbanaya baasaboor ee maalin walbaa lagu balamiyo magaalada Muqdisho, sida xogaha aan ku heleyno.

Shirkadda la siiyay qandaraaska oo ka soo dhex muuqatay muuqaal ay Villa Somalia lacago badan ku bixisay in lagu wasaqeeyo Madaxweyne  hore Xasan Sheekh iyo masuuliyiin kale oo ka tirsanaa dowladdii hore.

Shirkaddan oo aay leedahay haweeneey u dhalatay dalka Cumaan ayaa waxaa shirkadda la leh nin ganacsade ah oo magaciisa lagu sheegay Axmed Faarax oo ka mid ah ganacsatadii lacagaha ugu yaboohay MW Farmaajo xilligii ololaha doorashada, kaasoo aay isku jufo yihiin Farmaajo.

Xarunta Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha ee ku taallo Isgoyska Shaqaalaha Subax waliba waxaa ku jarmaada dad isugu jira Hooyooyin, Dhalinyaro iyo dad waayeel ah oo raadinaya helitaanka baasaboorka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here