CABDICASIIS LAFTA GAREEN oo xanuunkii haayay qarsan waayay, Cadaalad darada lagu sameeyay beelaha dega Koonfurgalbed (Magacyada 10 Wasiir iyo beelaha ay ka soo jeedan)

0
576

Dhawaaqii Golaha Wasiirada Madaxweynaha Maamul Goleedka Koonfurgalbeed C/casiis Laftagareen ayaa laga dheehan kara cadaalad darada lagu sameeyay beelaha gaar halka kuwa kalena si wanaagsan loo quudiyay maadama culeys iyo cabsi gelin ku haayan Maamulka gacan ku rimiska ah ee Lafta Gareen Madaxda u yahay.

Wasiirada amniga iyo arrimaha gudaha ayaa la isku raaciyay beesha 8 aad oo Lafta Gareen ka dhashay halka beesha 9 oo Maxamud Mursal Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ka soo jeeda la siiyay Wasiirka Maaliyadda.
Beesha Biyamaal ayaa la siiyay Labo wasiir.

Wasiirka qorshenta waxaa la siiyay wiil uu dhalay siyaasigii hore ee geeriyooday Mudoobe Nuunow Maxamed waana Dabare (Digil)
Wasiirka Amniga waxaa loo magacabay Isaaq Cali Subaq waa Jiroon (Beesha 8 )
Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Abukar Xasan Leysaan (Beesha 8)
Wasiirka Maaliyadda Ahmed Maxamed Xuseen hadamo (Beesha 9)
Wasiirka waxbarasha waxaa la siiyay Malaq waana bagadi beesha Digil.
Wasiirka kalumeysiga Mr C/qani waxaa uu ka soo jeeda Wacadaan (Hawiye)
Wasiirka beeraha biyomaal
Wasiirka shaqada iyo shaqalaha Biyomaal
Wasiirka holaha guud iyo guryenta ogaadeen
Wasiirka ganacsiga BEESHA EELEY (BEESHA 8 AAD

Inta badan beelaha dega Koonfurgalbeed ayaa ka wada maqan Liiska, waxaan mooda in Wasiirada saameynta leh lagu kala baxay , wax nool oo in yar dhaqdhaqaaq ku jira ee dhiman ay tahay Wasaaradda Caafimaadka.

Jagooyinka Wasiir ee haray micno badan ma laha sida muuqato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here