YAA LOO WADAA Madaxweyne Kuxigeenka Koonfurgalbeed? Shaqsiga Kheyre soo gudbiyay iyo Lafta Gareen oo Aqbalay

0
401

Waxaa maalmaha soo socdo lagu wadaa in isku shaandheyn lagu sameeyo golaha wasiirada iyadoo xal loo raadinaayo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Dowladda Federaalka ah iyo shacabka Koofur Galbeed oo si qasab ah Madaxweyne looga dhigay Cabdicasiis Lafta Gareen oo ahaa musharaxii ay lacagta badan ku bixisay Xukuumadda RW Kheyre iyo Xafiiska MW. Farmaajo.

Isku shaandheyntan ayaa la rabaa in shaqsiyaad ka tirsan beesha Digil & Mirifle oo mug ku leh shacabka looga dhigo Wasiiro si loo damiyo dabka siyaasadeed si aay dowladda ugu qanciso beesha caalamka in la soo afjaray kala aragti duwanaantii Dowladda iyo Shacabka Koofur Galbeed.

Sida ay ku soo waramayan ilo wareedyo waxaa shuruud looga dhigay  Lafta Gareen in lasiin doono shaqsiyaadka ay wato wasiiro muhiim iyagana uu ka codsaday RW Kheyre in maamulka KG uu yeesho Madaxweyne  Ku xigeen kaasoo uu RW Kheyre soo jeediyay in laga dhigo Cabdulqaadir Nuur Carraale oo aay RW Kheyre isku beel yihiin wasiirna ka soo noqday maamulka KG.

Mursal Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya cidna lama tashan, Telefoonada gacanta xataa waa laga qaban waayay isagoo madax xanuun siyaasadeed qaba ayuu a tagay Xamar, halka Lafta Gareen loo geeyay liis Wasiiro ah oo Fahad Yaasiin soo qoray waxaana loogu dhibay warqadaas Mursal Gaab oo Shariif Xasan u ahaan jiray Wasiiiru dowlaha Madaxtooyada kaas oo dhawaan tagay Baydhabo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here