FARMAAJO:Keligiisa Wadani ah, Keligiisa Xalaal ah inta kale waa Xaaran, Qorshaha Villa Soomaaliya, Fahad Yaasin, Gaafow iyo kaalintii Heshiiska Pasapoorada, Warbixin

0
575

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhaqan iyo nidaam daro aan lagu aqoonin madaxdii isaga kaga horeysay talada la yimid isagoo Siyaasadda dalka oo markii horeba ahayd fowda iyo is barbar yaac ayaa waxaa uu ku soo kordhiyay shaqo cusub oo lagu bixinayo lacag si loo aflaqaadeeyo cid alla cidii isaga talada kaga horeysay ama u arko inay qatar ku yihiin Maamulkiisa.

Farmaajo oo afkiisa iyo ficilkiisa aan is lahayn ayaa Maalmo ka hor weydiistay Siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyed in la is cafiyo hase yeeshe fadhigii Garoowe markii uu ka soo baxay halkiisa ayuu ka sii misay dagaalka ka dhanka ah Madaxdii hore iyo shaqsiyaad caan ah oo dalkan iyo dadkan u soo shaqeeyay.

Muqaal uu codeeyey wiil ay xigto (dhanka hooyada) yihiin , Cabdirisaq Terra, ayaa waxaa lagu faafifayey baraha bulshada iyadoo muqaalkaas lagu bixiyey lacag dhan $100 kun oo dollar.

Villa Soomaaliya qeybta dacaayadaha iyo xiriirka dadweynaha ayaa diyaarisay Muuqaalkan wiilkan Wariyaha ah loo dhiibay isagoo dan ku qasbtay baahinta muuqaalkan si uu u helo dal ku galka Turkiga.

XAQIIQDA DHABTA AH

Heshiiska Baasaboorada uu dowladdii Sheekh Shariif u Keenay Fahad Yasiin, waxaana heshiiska qeyb weyn ka ah Taliyihii hore ee waaxda Socdaalka Jeneraal Cabdullahi Gaafow oo muuqaalka looga reebay inuu yahay ilmaha MW Framajo abtigood iyo ina adeerka R/wasaaraha  Xasan Cali Kheyre .

Sidoo Kale heshiiska waxaa ku jiray Waraaqaha aqoonsiga dowladda Hoose waxaana heshiiska xubin muhiim ah ka ahaa Safiirka Somaliya hadda u fadhiya dalka Kenya Maaxamud Axmed Nuur Tarzan.

Lacagta uu sheegay qofka muuqaalka soo suubay oo aan soon bandhigin meel ay ku qoran tahay balse waraaqo uu gedgediyey ku sheegay inay tahay $91m waa been mana u dhowa lacaagta intaas, waxaadsa heli doontaan caddeyn dhab ah waxayna sida caadada u ahayd NEWSOMALI  idin la wadaagi doontaa heshiiska oo dhameystiran iyo qiimaha uu ku joogay.

Heshiiska doomaha xeebaha ilaaliya oo uu Safirka Beljimka u fadhisya Somaliya Cali Siciid Faqi uu ku sheegay inay yihiin Maraakiib waxba kama suuragelin.

Sababtoo ah shirkaddii ayaa lacagtii ay sheegatay inay iyada soo heleyso maalgelinta haddii heshiiska loo saxeexo soo heli weysay, kadibna heshiiska oo dhan waxaa tirtirtay dowladdii hore.

Heshiiska waxaa ka soo shaqeeyey Cabdixakim Fiqi, Cabdiraxmaan dhere, Wasiir ku xigeen Xayir oo ahaa wasiir ku xigeenkii Maaliyadda iyo Cali fiqi oo ahaa walin ah safiirka Somaliya Yurub fadhiya.

UJEEDADA FARMAAJO KA LEEYAHAY DACAAYADAHAN

In XARAASHKA SHIDAALKA ee London lagu qabanayo 7da Febaryo 2019 laga weeciyo doodda iyo indhaha dadka loona abuuro dood kale iyadoo dadweynaha Somaliyeed ee meelkasta jogaa, dibadda iyo gudaha dalka ay beryahan aad u careysan yihiin.

In xasaanadda laga qaado xildhibaanada misaanka culus ee mucaaridka ku jira si looga reebo ka qeybgalka doorashooyinka soo socda oo ama la xero, hantidooda lala wareego ama dalka looga eryo.

In Xamar laga abuuro xiisad colaadeed oo dadka lagu kiciyo si loo soo rogo bandow kadibna la joojiyo dhammaan dhaqaaqyada siyasadeed ee hadda bilowday si dalka wixii la rabaa looga sameeyo.

In lagu qariyo musuq maasuqa Baahsan ee dalka hadda ka jiraa oo ay dowladdaan ku jirto oo ay muddo raadkeeda ku joognay  lacagaha xaday sida tii ugu dambeysay ee $42m..

Wiilkan oo ay Farmajo hooyadiis is xigaan waxaa uu in muddo ahba deggaanaa guriga Farmajo ee madaxtooyada, waxaana la sheegayaa in hadda loo qaaday dal kugal (Visa) Turkiga ah, si loo yiraahdo waxaa uu ka cararay dalka, kadib markii uu duubay muuqaalka.

Lacagta lagu bixinayo aflaqaadeynta Madaxdii hore, Xildhibaano iyo shaqsiyaad kale ayaa waxay tahay lacagta qaranka qeyb ka mid ah waxaa laga soo saaray qasnada Gobolka Banaadir .

Muuqaalo kale iyo qoraalo ayaa soo socda oo Villa Soomaaliya ku bartimaameysan doonta Xildhibaano iyo shaqsiyaad ku dhow PM Xasan Cali Kheyre waana eegi doona Muuqaaladaas oo dhawaan soo bixi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here