RA’IISAL WASAARE KHEYRE oo sheegay in la soo afjaray khilaafkii kala dhaxeeyay UN-ka, Daawo Muuqaalka kulankii maanta

0
171

Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), Rosemary DiCarlo.

Kulankan ayaa yimid ku dhowaad laba bilood kadib markii Soomaaliya ay cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom.

Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta xariirka Qaramada Midoobay iyo dawladda federaalka Soomaaliya, in si dhaw labada dhinac ay uga wada shaqeeyaan danaha ummadda Soomaaliyeed, in dawladda laga taageero dhismaha dawlanimada iyo nabadda iyo in la dhiirri geliyo Bah-wadaagnimada waqtiga fog ee Soomaaliya u suura gelinaysa mustaqbal barwaaqaysan.

Labada dhinaca ayaa ku heshiiyey in QM ay dawladda kala shaqayso ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dowladda oo ay kamid yihiin kobcinta dhaqaalaha, cafinta daynta, ka shaqaynta siyaasadda loo dhanyahay, dagaalka dhanka ah musuq-maasuqa, dardar-gelinta amniga iyo sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho iyo caafimaad.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaanay taageerada xooggan iyo dawrka muuqda ee qaramada midoobay ka qaadatay dib u soo kabadashada, xasilinta iyo kobaca dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya ayaa isku raacay in dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay qaataan dawrka hoggaamineed iyo jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here