MAHDI GUULEED oo ku jees jeesay Siyaasiyiinta Mucaaradka Xilli uu Yariisow Shaash been ah loo saaray xalay

0
243

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) ayaa si kulul u weeraray Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda,kuwaas oo mararka qaar dhaliila Siyaasada dowladda.

Waxa uu sheegay inay jiraan Siyaasiyiin farabadan oo xanaaqsan oo aan arkeyn waxa ay qabatay Dowladda ama Gobolka Banaadir,isla markaana mar walba sheegaya in aan waxba la qaban.
“Mudane Guddoomiye Waxaa jira niman badan oo saaxiibadeena ah oo aan waxba arkeyn,siyaasiyiinta xanaaqsan oo mar walba lasoo taagan waxba lama qaban iyo qabyo waa halkeedii ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed”

Hadalkaan ayaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya waxa uu ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Halka sano ee maamulka gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yarisow.

Laakiin waxaa Cajiib ahayd in xaflada uu ka hadlayay ee waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir ay ahayd Shaash  saar been ah, ma jirto waxqabad la taaban karo oo Yariisow qabtay mudadii halka sano ee joogay.

Waddooyinka Caasimadda ayaa burbursan, dhulalka dan guud ayaa si sharci daro ah loo bixiyay, Caafimaad ma haystaan dadka Magaalada, Waxbarashada ha sheegin, lacagta Gobolka Banaadir waxay ku baxdaa Laaluush iyo is daba marin saas oo ay tahay Yariisow ayaa qabsaday Xaflad micno badan u lahayn dadka Gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here