Guddigii qubarada ayaa kala saaray shaqsiyaadka soo dalbaday qabashada Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Sida codadka loo helay Somali iyo Ajanabi iyo dadka codka dhiibtay Magacyadooda

0
964

Guddigii qubarada ahaa ee kala saarayay shaqsiyaadka soo dalbaday qabashada Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay wareysiyadii shaqo aay ka qaadanayeen shaqsiyaadkii soo codsaday shaqada qabashada Guddoomiyaha Bangiga. Waxaa liiska oo dheeraa laga soo reebay seddex qof oo laba aay Soomaali tahay midna uu yahay ajnabi u dhashay dalka Ingiriiska.

Guddiga ayaa soo gudbiyay liiska sidii aay u kala sarreeyeen dadkii soo codsaday waxaana ugu buundo badnaa liiska ay soo gudbiyeen labada qof ee Soomaaliga ah, sida ku cad nuqulka natiijada oo aynu helnay  ayaa waxaa natiijada ay u qorneyd sida.

Mohamed Abdi Mohamed 92%
Abdiqafar Sh. Adan Abdullahi 87%
Nigel Roberts 83%

Guddiga qubarada ah oo ka koobnaa shan qof ayaa seddex ka mid ah uu toos u magacaabay RW Kheyre halka laba kalana laga keenay guddiga quburada dhaqaalaha ee uu dhawaantan magacaabay MW Farmaajo.

Magacyada Guddiga soo kala saaray codsadayaasha iyo sida aay u codeeyeen

Dr. Edward Sambili: Wuxuu u codeeyay Maxamed Cabdi Maxamed.
Dr. Cali Ciise Cabdi: Wuxuu u codeeyay Maxamed Cabdi Maxamed
Cabdiraxman Beyle: Wuxuu u codeeyay Nigel Roberts
Cabdiraxmaan Cabdullaahi: Wuxuu u codeeyay Nigel Roberts
Eng. Cabdi Canshuur: Wuxuu u codeeyay Nigel Roberts

Balse RW Xasan Cali Kheyre ayaa dadaal ku bixiyay in Nigel Roberts oo ugu buunda yaraa seddexda qof uu ku amray seddex ka mid ah guddiga in aay isaga u codeeyaan si uu noqdo Guddoomiyaha Banigaga sida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay.

Waxaa sidoo kale waxaa l xaqiijiyay mid ka mid ah guddiga oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Hakiye haddana la taliye u ah RW Kheyre in lala magacaabi doono Nigel Roberts isagoo noqonaaya ku xigeenka Gud. Bangiga Dhexe.

Ku dhawaaqidda ayaa lagu wadaa in aay dhacdo maalmaha soo socda iyadoo si buuxda loo magacaabi doono kaddibna laga ansixin doono Golaha Wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here