KHEYRE oo Nairobi u aaday arrinta Derbiga Kenya, amniga iyo kulan aan ka qeybgali doonin Xubnaha Wafdigiisa oo isaga iyo Uhuru Kenyatta keliya dhex mari doona, Warbixin

0
266

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka u ambabaxay magaalada Nairobi, iyadoo socdaalka Kheyre uu salka ku haaya arrimaha Xuduudaha iyo amniga, gaar ahaan arrinta derbiga iyo weerarkii al shabaab ee Hotelka ku yaala magaalada Nairobi.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha iyo Amniga.

Socdaalka Kheyre ayaa hal maalin oo keliya ah sida uu Newsomali.com u sheegeen qaar ka mid ah dadka aadka ugu dhow PM ka Soomaaliya.

Kulamada labada Mas’uul ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha la dagaalanka Argagixisada, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab, iyadoo Kenya ay qeyb ka tahay howlgalka AMISOM oo Ciidamo kumanaan askari ka joogaan Soomaaliya.

15-kii bishan Janaayo ayay aheyd markii Al-Shabaab ay sheegatay weerar lagu qaaday Hotel ku yaalla magaalada Nairobi, waxaana weerarkaas oo ay fuliyeen dabley hubeysan lagu dilay 21 ruux.

Laakiin waxaa jiri doona kulan gaar ah oo Kheyre iyo Madaxweynaha Kenya dhex mari doona kaas oo aan kheyb ka ahayn Wafuuda labada dhinaca waxaana looga hadlayaa arrimo gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here