GUDDOOMIYE MURSAL oo Ilaaladiisa iyo shaqaalihiisa uga soo tagay Baydhabo, Diyaaradna wuu u kireyn waayay, Farmaaj iyo Kheyre-na Telefoonada ayay ku dhageysteen, (Dayacnaan Nolosha iyo Siyaasadda oo Mursal soo wajahday)

0
453

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa la sheegay in ilaaladiisa iyo qaar ka mid ah xoghayntiisa kaga soo tagay Baydhabo kadib markii u awoodi waayay inuu u kireeyo Diyaarad gaar ah sidoo kalena ay boos ka waayan diyaaradii isaga ka soo raacay Baydhabo.

Mursal oo markii hore Baydhabo u tagay Caleema saarkii Madaxweynaha muranka badan lqagu keenay C/casiis Lafta Gareen ayaa ilaaladiisa iyo shaqaalihiisa waxay Baydhabo ku tageen Diyaaradihii Dowladda Soomaaliya kireysay oo dad fara badan loogu daadgureeyay Baydhabo.

Hase yeeshe xafladii markii soo dhamaatay cid walba soo laabatay ayaa Mursal iyo shaqaalihiisa Baydhabo loogu soo tagay arrimo dib u heshiisiin ah oo Farmaajo amray hase yeeshe markii 3 Maalmood Diyaarad la’aan ahaa ayaa waxaa dhacday in Mursal isaga iyo Lataliyihiisa Jaamac diyaarad rakaab Baydhabo ka soo raceen kuna soo laabtan Xamar.

Guddoomiye Mursal ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday Diyaarad laakiin dalabkiisa cid u jawaabtay ma laha, isagana aad ayuu ugu adag yahay dhaqaalaha waa awoodi waayay inuu diyaarad kireysto.

Qaar ka mid ah Shaqaalihiisa ayaa la ii sheegay in maanta ku soo wajahan yihiin Muqdisho qaab Tahriib ahna ku soo baxeen oo nin walba isaga isaga soo dabiray.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha telefoonada ka qaban waayan Mursal oo ay u arkaan nin dhankooda ka dhintay halka dhinaca mucaaradka wax xishmad ah u haynin Mursal, wuxuuna noqday Siyaasi labada dhinaca si siman u go’doomiyan Mursal.

Ma jirto koox Siyaasadeed ama Villa Soomaaliya cid dambe oo Mursal aaminayso qole kasta waa iska ilaalinaysa, waxaana la ii sheegay in baabuurta aan rasaasta karin labo habo haysto midna isaga leeyahay midka markii uu ka yaabay xaaladiisa uu siiyay Ex Xildhibaan C/llaahi Salbalooshe oo Xaaska Mursal qaraabo yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here