Ninka British-ka ah ee Muqdisho ku xiran oo ay xabsiga ku weerareen maxaabiis mintidiin ah

0
144
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Ninka Britsih-ka ah ee magaalada Muqdisho ugu xiran eedeymo ku saabsan inuu walxo qarxo doonayey inuu la koro diyaaradda Ethiopian Airlines, ayaa waxaa lagu weeraray xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ninkan oo lagu magacaabo Anthony Thomas Cox ay weerar ku qaadeen laba ka mid maxaabiista mintidiinta ah ee falalka argagixiso ugu xiran xabisga.

Ilo-wareedyo dhanka amniga qaabilsan ayaa sheegay in maxaabiistan ay sakiin ku weerareen Anyhony.

Anthony Thomas Cox ayaa waxaa la sheegay in dhaawacyo fudud ay ka gaareen qoorta.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dhowaan amaratay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Anttony Thomas oo ah 48 jir.

Anthony Thomas ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir sida ay sheegay waxaa loo heystaa isku day qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka waxyaabaha qarxa, kuna eedeysan Qodobada 332-531 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here