FARMAAJO IYO AXMED MADOOBE oo hadalo kulul isku dhaafsaday Kulan ka dhacay Garoowe, Bisad Jiir ma dhaafaysa,Farmaao ma dhaafi karo faragelin, Warbixin Xasaasi ah, Sawiro

0
360

Kulan aan rajo badan laga qabin wixii ka soo baxa inay fuli doonaan isla markaana inta badan kulanka dhoola cadeyn ka muuqda hase yeeshe mid walba qarsanaya colaada u qabo midka kale ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Garoowe.

Shirkan ayaa isagu yeeray Madaxweynaha cusub ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo xal u raadinaya khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Villa Somalia iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe hadalada ugu kulul isku dhaafsadeen kulankan mar kastana uu soo dhexgalayay Madaxweyne Saciid Deni.

Axmed Madoobe ayaa wax badan ka tabanaya dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo, isagoo ku doodaya in faragelin xoog leh ku hayso maamulkiisa Jubbaland, oo khilaaf adag kala dhaxeeya.

Waxaa madasha ku sugan Madaxweyniyeyaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, sidoo kale waxaa ka qeybgalaya Senator Cabdiraxmaan Farole, Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland, Madxweyne ku xigeenka, iyo gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa qaatey go’aan ah in lala xisaabtamo dowladda Dhexe, kaasi oo ka duwan midkii Cabdiweli Gaas ee ahaa xiriirka in loo jaro Villa Somalia markii uu khilaaf yimaado.

Wariye joogay banaanka meel 200 Talaabo u jirtay hoolka kulanka ayaa Newsomali u sheegay inaan waxba lagu heshiinin isla markaana sawiro dhoola cadeyn ah mooye wax kale ka soo bixin, sidoo kale Wariyaha waxaa uu leeyahay Farmaajo ballan qaadkiisa marna laguma kalsoonaan karo sidaas darteed kulanka waa Shirbir yahow Heesa Hees wanaagsan Heesa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here