Wajiyada hoggaamiyeyaasha kala aragtida duwan ee ka qeyb galaya Caleema saarka madaxweynaha Puntland

0
170

Magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland ayaa maanta la ciir ciireysa siyaasiyiin fara badan iyo dadweyne ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulkaas Siciid Cabdullaahi Deni.

Maalmihii lasoo dhaafayba waxaa Garoowe ku sii qulqulayay hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo mucaarad ah, xildhibaanno iyo madax fara badan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda caleema saarka oo lagu wado iney caawa fiidkii dhacdo ayaa noqoneysa tii ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaashii ugu badnaa ee Soomaaliya, marka la eego dhinaca dowladda iyo Mucaaradkaba.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda maamulka Puntland ee Garoowe, waxaana garoonka diyaaradaha uga hor tagay mas’uuliyiin faro badan.
Wafdi hor dhac u ahaa safarka madaxweynaha, oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shalay gaaray halkaas.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka Garoowe uga sii hor maray diyaaradda sidday wafdiga madaxweyne Farmaajo.

Ciidamada baambeyda iyo dadweyne aad u fara badan ayaa sidoo kale soo dhaweeyay madaxweyne farmaajo oo intii uu xilka qabtay markii 2-aad tagay Garoowe

Axmed Maxamed Islaam

Axmed Madoobe ayaa ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan Garoowe

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ku sugan magaalada Garoowe isla markaana xaadiraya munaasabadda caleema saarka.

Axmed Madoobe ayaa wali ku harsan golihii iskaashiga maamul goboleedyada ee uu khilaafka xooggan kala dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka Soomalaiya.

Waxa uu caawa madasha ku arki doonaa mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda federaalka oo lagu casuumay xafladda caleema saarka.

Cabdicasiis Lafta gareen

16-kii Janaayo ayaa Lafta gareen loo caleema saaray xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed

Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen), ayaa xalay ku hoyday magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, si uu uga mid noqdo ka qeyb galeyaasha caleema saarka dhigiisa Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

16-kii bishan Janaayo ayaa Cabdicasiis Lafta gareen lagu caleema saaray xaflad ka dhacday magaalada Baydhabo, ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada Koonfur Galbeed ee dhacday 19-kii bishii Disembar.

Waxa uu ka mid yahay madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ee siyaasad ahaan la safan dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Waare

Madaxweynaha Hirshabeelle wuxuu ka mid yahay mas’uuliyiinta lagu casuumay munaasabadda

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta horayba u sii xaadiray magaalada Garoowe, isagoo ku biiray madaxda kale ee u diyaar garoobeysa munaasabadda caleema saarka.
Horay ayuu madaxweyne Waare uga baxay golihii iskaashiga maamul goboleedyada Soomaaliya ee xiriirka u jaray dowladda federaalka, inkastoo markii hore uu la kowsaday.

Dhawaan wuxuu madaxda dowladda Soomaaliya kala qeyb galay munaasabaddii caleema saarka madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Madaxweyne Xaaf wuxuu ka mid yahay madaxdii horayba u sii xaadirtay Garoowe

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maalin ka hor lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, wuxuuna xaqiijiyay in dhammaan madaxda maamul goboleedyada ay xaadir ku ahaadaan caleema saarka madaxweyne Deni.
Xaaf ayaa caqabado kala kulmaya maamulkiisa ka dib markii uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay mas’uuliyiinta Galmudug.

Wuxuu xubin firfircoon ka ahaa maamul goboleedyada ku gacan seyray hannaanka ay wax ku waddo dowladda federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud

Jimcadii ayaa Xassan Sheekh lagu soo dhaweeyay garoonka Garoowe

Shalay oo Jimce ahayd ayuu madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni qaabilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu tunka weyn garabyada mucaaradka.
Xasan oo ay wehlinayeen 30 xubnood oo ka tirsan xisbigiisa siyaasadeed ayaa ku biiray madax fara badan oo heegan ugu jirta iney ka dhex muuqdaan munaasabadda caleema saarka madaxweyne Deni.

Waxa uu ku guul darreystay doorashadii ugu dambeysay ee madaxweynaha Soomaaliya, haddana wuxuu wadaa ol’ole ballaaran oo uu isugu diyaarinayo doorashada xigta ee federaalka Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed

Barqanimadii maanta oo Sabti ah nayuu Shariif Sh Axmed gaaray Garoowe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, isagoo isku xaadirinaya xafladda caleema saarka ee caawa la wada sugayo.

Shariif ayaa ka ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa.

Wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu cad cad Soomaaliya, wuxuuna ku hungoobay isku daygiisii xilka madaxweynaha ee doorashadii ugu dambeysay Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Guddoomiyaha xisbiga wada jir C/raxmaan C/Shakuur ayaa Jimcadii ka dagay Garoowe

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isagana shalay si diirran loogu soo dhaweeyay Garoowe, isagoo uu qaabilay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Cabdiraxmaan ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee sida weyn u saluugsan maamulka dowladda Soomaaliya.

Wuxuu caawa si fool-ka-fool ah munaasabadda ugu arki doonaa madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Cabdi Xaashi oo ah guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya caleema saarka madaxweyne Deni

Guddoomiyaha aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Khamiistii si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, waxaana qaabilay guddoomiyaha golaha wakiillada ee Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) iyo madaxweynaha cusub ee Puntland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta mugga leh ee caawa ka soo muuqan doona madasha caleema saarka madaxweynaha cusub.

Waxa uu udub dhexaad u ahaa dadaalladii uu aqalka sare ugu jiray xal u raadinta khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Mas’uuliyiinta labada gole

Sidoo kale xildhibaanno badan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo aqalka sare ayaa ka mid ah ka qeyb galeyaasha xafladda lagu caleema saarayo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku sugan Garoowe, iyagoo isku diyaarinaya iney xaadiraan goobta ay xafladda ka dhaceyso caawa.

Siciid Cabdullaahi Deni ku guuleystay doorashadii Puntland ka dhacday 8-dii bishan Janaayo, taasoo ay kula tartamayeen musharraxiin loollan adag galiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here