MUSHAARKA Shaqaalaha Gobolka Banaadir oo Hoos loo dhigay, Halkee ayay aada lacagta la jartay, Maxaa lagu qabta, Saameynta Xuseen Maxamed Nuur arrintan ku leeyahay iyo Dagaalka Tuulax oo muuqda, Kheyre miyaa urursanaya lacagta, (Cadeyn Docomenti)

0
491

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa diyaariyay qorshe Maamulka Gobolka Banaadir lagu hoos geynayo bixinta mushaarka Wasaaradda maaliyadda, iyadoo inta badan xubnaha Gobolka laga dhimay lacagihii ay qaadan jireen, taas oo qeyb ka ah dagaal Siyaasadeed ka dhex jira Madaxda sare Gobolka oo qaar ka mid ah taageero iyo awoodba ka haysta Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Hoos u dhigida Mushaarka Shaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inuu ka dambeeyo Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur oo ah ninka ugu saameynta badan Gobolka, waxayna arrintan heshiis ka yihiin Ra’iisal Wasaaraha.

Dadka sida gaarka ah loo bartimaameedsaday waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Benaadir  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) , kaas oo Mushaarkiisa ahaa 16,000 Us ah iyo 4000 oo Howl maalmeedka Xafiiska lagu qabanayo ama lagu kala wadayo, waxaana hadda laga dhigay Mushaarkiisa 6000 Dollar.

Lacagaha la jartay dhamaantood waxay ku dhacayaan xisaabaad uu gaar u leeyahay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur, cidna ma oga lacagtaas waxaa lagu fulinayo.

Xuseen ayaa lacagtaas waxaa la og oo keliya Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya kamana hadli karo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng C/raxmaan Yariisow oo ah nin aan awood ku dhameyn Kuxigeenkiisa Maaliyadda.

Dhamaan shaqaalaha , agaasimayaasha iyo cid kasta oo Mushaar ka qaadan jirtay Gobolka ayaa hoos loo dhimay.

Waxaa la is weydiinaya waxay tahay lacagta la jartay cid meel ku sheegta, looma jarin in Caafimaadka wax loogu qabto, aniga in wax loogu qabto ama waxbarashada ama Wadooyinka midna looma jarin.

Dadka qaarkiis waxay leeyihiin Ra’iisal Wasaaraha ayaa isku diyaarinaya 2021 inuu noqdo musharax Madaxweyne sidaas darteed lacag ururisi ku jiro, halka dad kale sheegayan in Xuseen Maxamed Nuur uu yahay ninka howshan dhan saldhig u ah macaash fara badan ka sameeyay Gobolka lagana yaabo in xil siyaasadeed weyn u tartamo xilli dhow sidaas darteedna boob dhaqaale ku mashquulsan yahay bilihii la soo dhaafay.

Xuseen Maxamed Nuur sidoo kale Guriga Madaxweynaha ayuu ka haysta taageero, sidaas darteedna ma jirto maalmahan iyo bilahan qof ka joojin kara boobka hantida qaranka.
Arrinta la yaabka leh waxaa waaye Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Yariisow afka qabsaday oo aan ka hadli karin waxyaabaha socda.

Dadka masaakiinta ahaa ee Nolosha adag ku jiray ayaa mushaarkooda la dhimay kumana filana nolosha gurigooda lacagta Xuseen Maxamed Nuur Maareeyay.

Arrinta kale taagan waxay tahay xafiis Amniga Gobolka ka shaqeynaya ma ku filan tahay 6000 Dollar howlaha Xafiiska halka Gurigga Xuseen Boqol kun oo Dollar lagu qalabeeyay, sidoo kalena iibsaday Baabuurta rasaasta karin oo 2 habo ah.

Gobolka Banaadir ma guri Kheyre iyo Xuseen keliya leeyihiin miyaa mise Gobol umadda u dhaxeeya loona baahan yahay in lagu xisaabtamo si daah furnaan ah.

Warar kale ayaa sheegaya in lacagaha sababaha loo jarayo ay ka mid tahay dhaqaale xumo soo wajahay Xukuumadda Kheyre sidaas darteed Xafiiska Kheyre u baahday lacago fara badan laakiin wararkaas waxaa ka xoog badan in Xuseen Maxamed Nuur Jaangoynta dhaqaale isaga iyo Kheyre keliya ku gaar tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here