FARMAAJO oo Ciidamada Itoobiya ugu hambayeeyay dilka Shacabka Baydhabo kadibna ku jees jeesay Koonfurgalbeed, kulaha Doorasho Xor iyo Xalaal ayaa dhacday. Daawo Video

0
253

Sida runtu tahay waa xaanuun iyo uur ku taallo weyn marka Madaxweyne Soomaaliyed uu ciidan anjabi ah ugu hambalyeeyo xasuuqa ay xasuuqeen dadkiisa , Taas waxaa laga maqlay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyay maalintii shalay, isagoo weliba Shacabka Soomaaliyed u sheegay hadal been ah oo aad loola yaabay.

Madaxweyne Farmaajo  F oo aan wax damiir Somalinimo lagu arag sidii uu madaxweyaha u noqday ayaa magaalaada Baydhabo ka sheegay inuu u hambalyeynayo ciidankii Itoobiya ee 15ka qof ku xasuuqay Baydhabo si wiilka uu abtiga u yahay ee Cabdicaziiz lafta Gareen ay xoog ugu dul saareen dadk reer K/Gaalbeed.

Dhacdada Shalay  uu Farmajo Baydhabo ka sameeyey waa Xaasidnimo, caqlixumo, talaxumo iyo mas’uuliyad darro.

Hooyadii wiilkeeda lagu dilay, marwadii odaygeeda lagu dilay goobtaas, qofkii ehelkiisa nooc kasta ha ahaadee lagu dilay waxaa uu ugu yaraan ka filayey madaxweynaha inuu uga tacsiyadeeyo, balsa waxay kala kulmeen yasid, inkirmaad, xaqirid iyo inuu tuso inuusan kala jecleyn mid dhinta iyo mid dhashaoo dadkooda ah.

MW Farmajo waa nin kii Roobow ka soo xeray Baydhabo si uu willkiisa Lafta gareen uu madaxweynaha K/Galbeed uga dhigo,Waa ninkii dadki bannaanbaxay ee yiri war aan xaqeenna hello oo annagu aan dooranno cidda aan rabno ku yiri amaxaaraddaa arxaan ha u gelina ee laaya, waa ninkii eryey ninkii ajnabiga ahaa ee Haysom oo war madaxweynow ha laa baaro wixii dhacay iyo dadkii dhintay ku yiri.

Haddaba taariikhdu been ma sheegto waxaa la hubaa in MW Farmaajo, Cabdicasiis, Lafta Gareen iyo Cid kasta oo ku kaalmeysay gefkaas aan garowshiiyaha lahayn waxaa iman doonta maanlin ay bixin doonaan dembiga iyo gabood falka ay ku sameyeen ummaddaas masaakiinta ah ee reer K/Galbeed.

Dadka Somaliyeed waa sabar badan yihiin, cidkasta oo dambi ka gashaana way u kaadiyaan waxaasa jirta maalin la hubo in deynkaas la bixin doono.

Madaxweyne  Farmajo waxaa loo qabay hammi weyn waxaana la islahaa waa kii looga bixi lahaa dhibaatooyin badan oo soo jireen ahaa oo isku dul fuulayey muddo dheer, hasa yeeshee dalka waxaa uu dib u celiyey 10 sano horteed meeshii uu joogay.

Ku takrifalka awoodda, u hanjabaadda xildhibaanada iyo shacabka, dilka mancadarrada ah, Caburidka mucaaridka, iibinta kheyraadka dalka sida dakadaha , shidaalka iyo Kalluumeysiga, u dhiibista muwadiniinta cadowga, burburintii golihii shacabka, kala dhantaallidda awooddii koreysay ee dowlad goboleedyada, kala aamin baxa shacbiga, lunsashada hantida daweynaha, iyo musuqmaasuqa baahsan waxay noqdeen wax aan horay loo arag oo uu Farmajo dalka u keenay waxaana eeddaas la qaadi doona xildhibaannada qaarkood oo maanta is oysiinaya shalayna ummadda dulsaaray Farmajo.

Xildhibaan naftu maarbey go’adaaye Farmajo ummadda ka dulqaada inta uu rabbi adinka idinku sallidin.

Bal halkaan ka dhageyso jeesjeeskii uu Baydhabo ka sameeyey Farmajo oo caloosha ku xanuujinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here