(DAAWO Video) Xildhibaan Muna K ayaa tiri “Nafta hal mar bey go’daa, RW Kheyre ama baabuurka bambo iigu xir ama i dil”

0
388

Xildhibaan Muna K oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaan Soomaaliya  ayaa baraha bulshada soo dhigtay muuqaal ay sheegtay in haddii la dilo uu masuul ka yahay RW Kheyre. Waxa ay sheegtay in walaasheed laba jeer uu amar ku bixiyay RW. Kheyre in la soo xiro.

Muna aya sheegtay in walaasheed loo xiray oo kaliya in shalay diiday in ay u codeeyso ansixinta sharciga wax looga bedelay Bangiga Dhexe iyadoo ku sababeysay in ay jiraan Soomaali aqoon iyo karti u leh in ay qabtaan shaqadaas.

Muna ayaa tiri “Nafta hal mar bey go’daa, RW Kheyre ama baabuurka bambo iigu xir ama i dil, aniga marnaba kugu taageeri maayo in aad dalka god ka ridid. Waxaa i saaraan masuuliyad waxaanan wakiil ka ahay dadkeyga”

Waxaa beryahan danbe caado noqotay in qof walba oo ka horyimaada rabitaanka RW Kheyre iyo MW. Farmaajo la dhibaateeyo, waxaana Muna walaasheed loo xiray oo kaliya in ay iyada diiday rabitaanka RW Kheyre, maadaama aan iyada la xiri karin ayaa walaasheed la xiray markii labaad maanta.
Ku tumashada xuquuqda shacabka gaar ahaan beesha Digil & Mirifle ayaa waxaa ay gaartay heerkii ugu xumaa ebed. Haddii aanay xildhibaanada golaha aanay ka dhiidhiyan arrintaan uu dalka geli doono meel xun.

Waxaa sidoo kale shacabka la caburinayo ay keeni doontaa mudaaharaadyo iyo xasilooni darro ka dhacda dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Halka hoose ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here