MADAXWEYNE SACIID DENI oo la kulmay Guddiyada qaabilsan caleema saarkiisa, Daawo Sawirada

0
257

Madaxweynaha Maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta 14 January 2019 kulan la qaatay Guddiyada caleema saarka Madaxweynaha Puntland, kulankaasi waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Wararka ayaa sheegaya in  afar guddi oo kala ah, Guddiga Xiriirka, Casuumaada iyo soo dhaweynta, Guddiga martigelinta, dejinta iyo gaadiidka, Guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga waxaana ay dhammaantood kulan la qaateen Madaxweynaha Puntland
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Shire Xaaji Faarax ayaa ka warbixiyey kulankaasi uu la qaatay Madaxweynuhu Guddiyada calemasaarka, waxaana uu xusay in iyadoo laga duulayo doorashadii taariikhiga ahayd ee 8-da January 2019 iyo xilwareejintii Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland la samayndoono xafladda habmaamuskeedu sareeyo oo lagu caleema saari doono Madaxda cusub ee Dowladda Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here