YAA SHIRKAD kula ah Xuseen Maxamed Nuur Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir dhulalka laga boobayo Dayniile, Magacyada Ganacsatada iyo qaabkii loo marsiiyay Farmaajo iyo Kheyre, Warbixin

0
279

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Degmada Dayniile oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ee Goofafka fara badan ku yaala ka socda boob iyo dhac loo geysanayo dhulal danta guud iyo kuwa laga xoogayo dad shaqsiyaad ah.

Faadumo Jimcaale Jilacow oo dadka degaanka ka mid ah ayaa u xaqiijisay Newsomali.com in boobka dhulka degaanka Dayniile ku lug leeyihiin xubno Dowladda ka tirsan iyo qoyska Villa Soomaaliya.

Dhulkaan muranka ka taagan waxaa uu ku yaalaa degmada dayniile waana dhul shacab iyo xeryo dowladeed sida ay ku soo waramayan goobjoogayaal degaanka ku sugan.

Dhulka ayaa ka soo bilawda Taagga ka koreeya xaruntii uu daganaan jiray Hoggaamiye kooxeedkii hore markii dambena Xubin Bararlamaan iyo Wasiir ka noqday Dowladda Soomaaliya Maxamed Qanyare Afrax ilaa laga soo gaarayo wada dhawaan la falay uu ka timaada tabeelaha Sheekh Ibraahim halka laga dhisay raaniboodka Deyniile, waa inta u dhaxaysa Hotel tropical ilaa raaniboodka.

Wadooyinka dhimacyada ka mara dhulkaa ayaa kala ah inta dhaxaysa wadada kulayada Jaalle Siyaad katimaada marta xarunta degmada dayniile iyo wadada ka timaada Guul wadayaasha marta Owdwayne siina marta xarunta Qanyare dagnaan jiray iyo hotelka tropical.

Isla wadada Jaale Siyaad ka timaada waxay dhinacyada ka martaa xerada Qanyare iyo hotelka waana dhul aad u balaaran.

Sida ay sheegayan wararka waxaa dhulkan ku yaala xerooyin ciidamada sida dhulkii taangiyada,xerada Morgan,xerada guutadaa 33.aad iyo dhul shacab leeyahay oo laga xoogey.

Waxaa dhul boobka sameynaya oo ragga ugu cad cad ah ,Gudomiye kuxigeenka Gobalka Banadir dhanka Maaliyadda Xuseen Maxamad Nuur,ganacsade Cartan Faroole iyo ganacsadaha kale ee milkiilaha hoteelada tropical Cali Jiisow Nuur.

Warqadan dhulka lagu boobayo ayaa loo geeyay madaxwaynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaana loo sheegay in ay tahay dhul dan guud ah loona baahan yahay in dhulkaa laga gado ganacsao isla markaana dadka laga saara dhulka dowladda.

Goofleyda iyo dadka kale shacabka horey dhulka u gatay ayaa aad ugu walwalsan xaalada halka ay mareyso.

Madaxwaynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay inay saxiixan in dayniile ahaato halka loo rarayo dadka muqdisho ee laga saarayo xarumaha Dowladda.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa iibinta dhulkan dhowr qof u xil saaray, lacagta lagu iibiyo dhulka ayaa lagu shubayay xisaabaad uu gaar u leeyahay oo Xuseen ka furtay Shirkadaha Xawaaladaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here