Weerar lagu qaaday Guriga Guddoomiyaha degmada Deyniile & Qasaare ka dhashay

0
394

Warara laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa weerar Bam lagu qaaday guriga Guddoomiyaha Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar.

Weerarka oo loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa lagu tuuray guriga guddoomiye Jacfar, iyadoo dadka degaankaasi ay sheegeen inuu halkaasi iska horimaad rasaas la isku weydaarsaday ka dhacay muddo daqiiqado ah.

Weerarka ayaa dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiram waxaana la sheegay in qof ku dhimatay, halka laba kale ay ku dhaawacmeen guriga Guddoomiyaha Deyniile oo ku yaalla agagaarka Isgoyska Dabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here