SHIRWEYNAHA Abgaal iyo Xawaadle oo Muqdisho ka furmay, Xasan Sheekh iyo Goodax Barre oo is dhinac fadhiya, Daawo Sawirada

0
735

Shir si heer sare ah loo soo agaasimay aya maanta ka socda hotel Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, shirkaas oo ay isugu yimaadeen waxgaradka, siyaasiyiinta beelaha Abgaal iyo Xawaadle. Shirkan oo ay gogosha fidiyeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle.

Shirweynahan beelaha Abgaal iyo Xawaadle kaga arrinsanayaan arrimo badan oo aay ka soo qaybgaleen siyaasiyiin isugu jira Madaxweynayaal iyo Raisulwasarayaal hore xildhibaano iyo odayaasha dhaqanka, dhallinyaro iyo waxgaradka labada beel.

Qodobada lagu lafaguraayo shirka ayaa waxaa ka mid ah dhibaatooyinka shacabka lagu hayo iyo sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa wax walba oo aan sharciga waafaqsanayn ee shacabka lagula kaco ee wiiqaya dowladnimada iyo in laga shaqeeyo waxii wanaag ah waxii xumaan ahna meel looga soo wada jeesto. Gogashan ayaa waxaa fidiyay beesha Xawaadle

Shirka uu jewi wanaangsan ku dhacay aya labada beel ay isku afgarteen dhamaan qodobadii shirka looga wada hadlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here