FARMAAJO oo Dib u dhigay Kulankii Baarlamaanka kadib markii laga war helay…Warbixin

0
280

Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay maanta oo Sabti yeelan lahaayeen ayaa dib loo dhigay maalinta Isniinta, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababaha dib loo dhigay, iyadoo dib u dhigista kulanka uu ka dambeeyay markii Madaxweyne Farmaajo ku amray Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu dib u dhigo kulank.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo farriin qoraal loo diray xalay fiidkii ayaa lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan kulan ay yeelanayaan, waxaana ajandaha kulanka lagu sheegay wax ka bedelka Sharciga Hanti dhowrka Guud iyo Xeerka Banggiga Dhexe.

Hase ahaatee mar dambe ayaa Xildhibaanada lagu wargeliyay in kulanka uu baaqday, isla markaana laga dhigay maalinta Isniinta ee soo socota, taariikhda ku beegan tahay 14 January.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha dib loogu dhigay kulanka maanta oo Sabti aheyd ay la xiriirto cabsi laga qabo in kooramka uu buuxsami waayo, maadaama Xildhibaanada ay badi safar ku maqan yihiin.

Sidoo kale waxaa socda qorshe olole loogu sameynayo wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka Guud oo horay u sugayay in cod loo qaado iyo xeerka Banggiga Dhexe oo la doonayo in la bedelo qodob dhigaya in aanu Madax ka noqon karin qof ajnabi ah.

Qodobka ku saabsan wax ka bedelka xeerka Banggiga Dhexe ayaa noqday hadal heynta ugu badan, waxaana suuqa soo galay in Guddoomiyaha Banggiga Dhexe loo wado nin ajnabi ah, iyadoo horay Wasaaradda Maaliyadda ay ogeysiis ku saabsan xilka Guddoomiyaha Banggiga Dhexe ku daabacday jariirad caan ah oo ka soo baxda Ingiriiska, kana faaloota arrimaha dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here