WASIIRKA GANCSIGA IYO Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir oo dhulal xaraashaya(Halis hantida Qaranka)

0
219

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wasiirka Ganacsiga Dowladda Soomaaliya iyo Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir arrimaha Maaliyadda isla meel dhigeen dhulal banaan oo Wasaaradda Ganacsiga lahayd kuwaas oo sida la sheegay laga iibin doona Shirkaddo ganacsi halka qaar kalena sanado lagu wareejin doono Ganacsato.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu hada damacsan yahay in uu boobo dhul ay leedahaya wasaaradaasi kuwaasi oo uu hada u sameeysanaayo Ducument’s been abuur ah,waxaana uu wadaa habkii uu ugu wareejin lahaa Shirkado ganacsi, hase yeeshe howsha dhulalkaas ayaa waxaa wax la ka og Maamulka Gobolka Banaadir .

Wasiir Maareeye oo ku dheereeya shaxda dhaca ayaa shaqada ka ceeyriyay Agaasime gacanta ku haayay dhulkaasi iyo Ducument’s-yadii waxuuna ku amray in uu ku wareejiyo shaqsi ay qaraabo dhaw yihiin oo wasaarada dhawaan la keenay.

Dhulalkaan oo ku yaala degmooyin kala duwan ayaa waxaa suuragal ah in loo gacan geliyo shirkado uu saami ku leeyahay Wasiir Maareeye.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa qeyb ka ah qorshahan dhulalka lagu boobayo, isaga iyo Wasiirka Ganacsiga Maalmahan waxay aad ugu howlanaayan sidii dhulalkaas waraaqo lagu wareejiyo loogu sameyn lahaa.

Haddii Qorshahan suuragal noqda ayaa waa fadeexad soo wajahda Dowladda Farmaajo marka laga hadlaya arrimaha dhulalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here