Guddiga Doorashada Qalanka oo Fadeexad dhexda ka taagan, Kaalinta, Farmaajo, Kheyre iyo Fahad ku leeyihiin amarka xil ka qaadista, Ujeedada laga leeyahay, Xubnaha Guddiga , Qofna xil kama qaadi karaan maxaa yeelay iyaga ma soo magacabin xubnaha (Warbixin)

0
223

Guddiga Madax banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa Fadeexad Maamul dhexda ka taagan waxaana muuqata in xubnaha guddiga howl aysan iyago shaqo ku lahayn faraha la galeen.

Guddiga ayaa waxay sheegeen inay xilkii ka qaadan Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Guddiga Siyad Cali kaas oo lagu eedeeyay burburin guddiga, waxana dacwada soo gudbisay sida qoraalka lagu sheegay Halima Yarey Guddoomiyaha Guddiga,hase yeeshe isla qoraalka xilka looga qaaday Guddoomiye kuxigeenka ayaa waxaa ku saxiixana xubno Halima Yarey ka mid tahay taas oo ah Fadeexad qof isaga wax soo dacweeyay oo hadana isaga Garsoor noqonaya dunida meel lagu arkay ma jirto.

Madax banaanada Guddiga iyo kalsoonadii lagu qabay ayaa hadda burburtay, waxaa sahki ku jirin guddiga uu faraha kula jiro Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaaraha Xasan Cali Kheyre iyo Kusimaha Taliyaha Nabad sugidda Fahad Yaasin.

Raggan ayaa waxay doonayan inay afduubtan doorashada 2021 da sidaas darteed waxaa la doonaya in xubnaha guddiga laga dhigto dad iyaga leeyihiin oo sidii ay doonaan u sameeya.

Xisbiyada Siyaasadeed dalka ka jira ayaa horey uga baaqay Guddiga doorashada inay ka soo guuran Villa Soomaaliya hase yeeshe baaqaas cid dhageysatay ma jirto.
Guddga doorashada banaan iyo Wasaaradda Garsoorka oo labadaba muhiim ah ayaa waxay degan yihiin Villa Soomaaliya sidaas darteed kalsooni laguma qabi karo howlaha ay umadda u haayan.

Sayid Cali Sheekh oo haysta dhalashada dalka Holland kana soo jeeda Digil iyo Mirifle ayaa waxaa uu noqonaya dhibanihii 5 aad ee Farmaajo dadka u dhashay beeshaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugaarsi gaar ah ku haaya beeshas tan iyo markii xukunka qabtayna maalinba mid ayuu siibayay , haatan xubnaha beeshaas waxay noqdeen hilib meel saaran cid kasta iska cunayso.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo ah ninka ugu sareeya beesha Digil iyo Mirifle Federaalka u metela ayaa waxba ka bedeli karin go’aankan maadama Farmaajo howshan ka dambeeya.

Mursal naftiisa ayaa dhibane u ah Farmaajo,xayiraad ayaa saaran oo dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda ah.

Guddiga doorashada oo ku yimid 4.5 markii la soo magacabay waxaa cod ku meel mariyay Baarlamaanka sidaas darteed meelna Dastuurka dalka ugama qorna inay xil ka qaadi karaan xubinta guddiga.

Villa Soomaaliya ayaa hadda maamusha Guddiga Doorashada sidaas darteed rajadii laga qabay in Soomaaliya ka dhacdo doorasho xalaal ah ayaa mugdi gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here