FARMAAJO oo xilka ka qaaday Guddoomiye kuxigeenkii Guddiga Doorashada Madax banaan oo ka soo jeeda Digil iyo Mirifle, (Aqriso Docomentiga

0
332

UGU DAMBEYNTII Nabad iyo Nolol oo faraha la galay Guddiga Doorashada Madax banaan,Guddoomiye kuxigeenkii Guddiga Doorashada oo ka soo jeeday Digil iyo Mirifle ayaa xilkii laga qaaday sida lagu sheegay qoraal guddiga ka soo baxay.

Waana Mas’uulkii ugu dambeeyay Digil iyo Mirifle oo Farmaajo seeftiisa qaada, waana midkii 5 aad oo reerkaas ka soo jeeda oo Farmaajo bixiyay, waxaa ka horeeyay, Jawaari, Shariif Xasan, Roobow, Mursal oo si dhib ah ku badbaaday welina la baah dilayo iyo Sayid Cali Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashada oo hadda la bixiyay.

Madax banaanada Guddiga doorashooyinka ayaa hadda shaki la gelin kara in kastoo ay dhab tahay khilaafka Guddoomiyaha Guddiga iyo kuxigeenkeeda oo muddo soo jiitamayay.

Ujeedada loo sameeyay xil ka qaadista Guddoomiye kuxigeenka guddiga Doorashada madax banaan Sayid Cali ayaa la fahamsan yahay in loo dan leeyahay doorashada 2021 ay la mid noqoto wixii ka dhacay Baydhabo oo Lafta Gareen lagu soo saaray.

Ma Cadde sharciyan xil ka qaadista Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashada laakiin waxaa hadda Soomaaliya ka socda ayaa ah La jiifa banaan la joojiya banaan.

Guddiga Doorashada ayaa degan Villa Soomaaliya taas nafteeda dhexdhaxaadnimadiisa waa laga shakin karaa.

Sayid Cali ayaa ku dhawaa Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Jawaari waxaa dhici karta wax alla wixii Farmaajo u arka inay halis ku yihiin in la bixiyo.

Farmaajo isaga wareegtada ma soo saarin laakiin wuxuu adeegsaday xubnaha guddiga sida ay sheegayan wararka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here