XISBIGA UPD ee Xasan Sheekh hoggaamiya oo ku canaantay Dowladda xadgudubyada ay kula kacayso Xisbiyada iyo Hotelada Muqdisho, (Aqriso Docomentiga)

0
185

Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu kaga hadlay is hor istaag lagu sameeyay dhawaan Xisbiga wadajir ee uu hoggaamiyo C/raxmaan Cabdishakuur kaas oo laga joojiyay Siminaar uu ku qabanayay hotelka Maka al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa in dhawaanba bartimaameed ka dhiganayay Xisbiga wadajir  iyadoo dhowr jeer hore laga joojiyay barnaamijo ay qaban lahaayan.

Hadaba Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cambaareeyay bartimaameedyada Dowladda ku haysa qaar ka mid ah Hotelada Magaalada Muqdisho iyo xisbiyada dalka, waxayna ka digeen in falalka noocaas ah ay keeni doonaan xaalado khatar badan oo dib u dhigaya dowladnimada soomaaliya tiigsanayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here