MADAXWEYNE SACIID DENI oo Caawa qalbi jabiyay taageerayaasha Nabad iyo Nolol

0
508

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni ayaa sheegay in Maamulka Somaliland ku soo xadgudbay dhulka Maamulka Puntland, isagoo ugu baaqay inay dib ugu laabtan dhulka ay soo xadgudbeen.

Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa sheegay in iskaashiga Maamul goboleedyada uu dhigayo dastuurka, isagoo caddeeyay in aan waxba iska bedeli doonin Golihii Iskaashiga dowlad goboleedyada ee sanad ka hor la aas aasay.

Waxaa uu sheegay in dalka uu ku jiro Marxalad dib u dhis ah, isla markaana Dastuurka uu qabyo yahay, lagana soo baxay nidaam dowlad dhexe, haatan la galay nidaamka Federaalka, isagoo xusay inay ka shaqeynayaan shuruucda lagu hagi lahaa, isagoo xusay in arrinata jira aanay khilaaf aheyn, balse ay tahay aragti duwanaan.

Mar la weydiiyay arrinta dhismaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ay horay uga baxeen Hirshabeelle ayuu sheegay in dastuurka uu dhigayo in Maamul goboleedyada is kaashadaan, danahooda ka shaqeeyaan, wax kasta oo dastuurka dhigayo ay ku dhaqmi doonaan sida uu yiri

Hadalka Madaxweyne Saciid ayaa yimid xilli taageerayaasha Dowladda Madaxweyne Farmaajo ku doodayan in Madaxweynaha Puntland ku siyaasad yahay Farmaajo taas oo hadda been noqotay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here