Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo jeeda Brusell, Banaanbax ka dhan ah oo la qaban qaabinayo, Dadkii Baydhabo lagu dilay iyo Caruurtii Xabsiyada laga buuxiyay waxay qeyb ka tahay Xadgudubyada Farmaajo ka geystay Baydhabo

0
623

Waxaa socda qaban qaabada banaanbax ballaaran oo ka dhan ah socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo dhawaan ku imaan doona Magaalada Brusells ee dalka Beljamka xarunta Midowga Yurub.

Sida ay sheegayan wararka banaanbaxan ayaa waxaa abaabulaya dadka ka soo jeeda koonfurgalbeed Soomaaliya iyo dad ka soo soo jeeda Gobolka Mudug kuwaas oo ka cabanaya ama ku eedeynaya Rajiimka Farmaajo dilal abaabulan, dhac iyo barakacin loo geystay dad rayid ah.

Ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dilay Magaalada Baydhabo 15 qof, waxay sidoo kale Ciidamadaas oo garab ka helayay Ciidamo Itoobiyan ah xireen Mukhtaar Roobow Cali oo ahaa Musharax Madaxweyne oo haystay taageerada dadka Koonfurgalbeed.

300 oo ruux oo u badan dhalinyaro, caruur iyo dumar ayaa Ciidamada Farmaajo ku xireen Baydhabo, qaar ka mid ah dadkaas waxaa loo geystay jirdil.

Wakiilkii Qaramada Midoobay ee dhawaan laga eriyay Soomaaliya ayaa warbixin uu soo saaray waxaa uu su’aalo adag ku weydiiyay Wasiirka amniga Dowladda Soomaaliya wixii ka dhacay Baydhabo, hase yeeshe Maamulka Farmaajo oo u adkeysan waayay warbixintaas ayaa waxay jawaab uga dhigeen inay dalka ka saaran wakiilka UN.

Dadweynaha Soomaaliyed, qoysaskii dadka uga dhintay Baydhabo ayaa qaban qaabiyaasha ugu baaqay inay ka soo xaadiraan Brusells si ay u muujiyan dareenkoooda ku aadan dilka dadkaas.

Farmaajo oo mas’uul ka ah dilal kale oo Muqdisho ka dhacay December 2017 weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay caburin shacab iyo inuu Xabsiyada muqdisho ku xiray dad lagu eedeeyay maxaa aragtidaada u dhiibatay.

Maxamed Ibrahim Macalimuu oo ka mid ah Madaxda Saxafiyiinta Soomaaliya ayaa dhawaan ku eedeeyay Dowladda Federaalka caburinta Saxafiyiinta iyo hajabaado.
Si kastaba Rajiimka Farmaajo meelna ugama baxsan karo dhibaatadii uu ka geystay Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here