MADAXWEYNE DENI oo Madaxtooyada Garoowe lagu soo dhaweeyay, Yaa ku weheliyay kulankii isaga iyo Gaas, Daawo Sawirada

0
177

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa la kulmay Madaxweynaha doorashada looga adkaaday C/weli Cali Gaas iyo kuxigeenkiisa, waana waxay ahayd is arag labada dhinac isku waydaarsanayan xaaladaha maamulka iyo mida Soomaaliya.

Madaxweynihii hore Puntland Gaas ayaa Madaxtooyada Garoowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha la doortay Saciid C//laahi Deni.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shalay 08 January 2019 ku guulaystey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ee shanta sano ee soo socota, ummadda Soomaaliyeed, shacabka reer Puntland, beesha caalamka iyo dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa qiray in Puntland ay ka dhacday doorasho xor iyo xalaala oo taarikhdu ay xusidoonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here