FARMAAJO oo Shirqool Siyaasadeed u dhigaya Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Mursal, Maxay tahay Ujeedada laga leeyahay safarka cadaadiska lagu saarayo Mursal inuu Baydhabo ku tago, Warbixin

0
171

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku qasbaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal inuu Baydhabo u tago Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed ee sharci ahaanshiisa muran badan ka dhashay iyadoo weli ay muuqdan raadkii ay reeban rabshadihii ka dhashay doorashada gacan ku rimiska ahayd ee Lafta Gareen Lagu doortay.

Wararka ayaa sheegaya in Wafdi uu hoggaaminayo Afhayeenka Baarlamaanka Villa Soomaaliya qorsheysay inay u dirto Baydhabo, iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in Beesha Caalamka iyo dadka Soomaaliyed lagu qaldo in wax meesha ka jira ay tahay wax ay u dhan yihiin dadka Koonfurgalbeed, sidoo kalena waxaa la doonaya in kacsanaanta dadka Baydhabo hoos loo dhigo loona muujiyo in Mursal imaanshiiisa ka dhigan tahay in laga heshiiyay wixii khilaaf ah oo taagnaa.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin tagitaanka Baydhabo Maxamed Mursal oo markii doorashadaas dhacaysay ku baaqay in loo dhigo hase yeeshe Villa Soomaaliya oo cadaadis ay saartay Guddiga doorashada iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfurgalbeed qasab ka dhigtay in la qabto doorasho xilli Magaalada Baydhabo lagu dilay 15 qof, halkii Musharaxii dadweynaha taageersanaayan Mukhtaar Roobow qabashadiisa loo adeegsaday Ciidamo Itoobiyan ah.

Ujeedada kale Farmaajo ka leeyahay tagitaanka Baydhabo Maxamed Mursal ayaa waxay tahay inuu isaga dejiyo culeyska uga imaanaya beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo u arkay Baydhabo inay ka dhaceen xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamka.
Si kastaba waxaa la eegi doona in Guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhici doono shirqoolka Farmaajo iyo inuu ka badbaadi doona.

Dadka Baydhabo ayaa u arkaa siyaasad ahaan Mursal nin xoog loo sheegtay markii ay Baydhabo dhibaatada ka dhacaysay hase yeeshe aragtidiisa markaasi muujiyay ay u riyaaqan dadka balse haddii uu maanta shilqoolka Siyaasadeed ee Farmaajo aqbalo waxaa hoos u dhacaysa sumcada uu ku lahaa degaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here